DP World oo mar kale ka guuleysatay dowladda Jabuuti

dp world

Shirkadda ka howl-gasha dekedaha ee DP World, oo laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay ku guuleysatay kiis sharci ah oo ay ka gudbisay dowladda Jabuuti, kaasoo la xiriira khilaafkii maamulka dekedda Doraleh ee u dhaxeeyay labada dhinac.

War-saxaafadeed ay soo saartay DP World ayaa lagu sheegay in koox garsooreyaal ah oo dacwaddan ku dhageysanayay maxkamad fadhigeedu yahay London oo dhageysata dacwadaha caalamiga ah ayaa amar ku siiyay dowladda Jabuuti inay labo bilood gudahood dib ugu soo celiso xuquuqdii iyo faa’iidadii ay shirkadda DP World lahayd, ee uu dhigayay heshiiskii ay labada garab kala saxiixdeen sanadkii 2006-dii, ama in ay bixiso dhammaan khasaarihii galay shirkadda.

DP World ayaa intaas ku dartay in lacag ka badan 1 bilyan oo doolarka Mareykanka ah ay ka khasaartay tan iyo markii ay dowladda Jabuuti kala wareegtay maamu;lka dekedda, sanadkii 2018-kii.

Shirkaddu waxay sheegtay in garsooreyaasha go’aankan soo saaray ay sheegeen in dowladda Jabuuti ay tallaabo sharci darro ah qaadday markii ay si khasab ah shirkadda DP World uga qaaday maamulka dekeddaas, bishii February ee sanadkii 2018-kii.

Dowladda Jabuuti wax war ah kama aysan soo saarin hadalkan kasoo yeeray shirkadda DP World.

Isku day aan u sameynay inaan arrintan kala hadalno dowladda Jabuuti ayaan noo suurtagalin.

.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo bishii June, 2018, wareysi gaar ah siiyay laantaaf-Soomaaliga ee BBC ayaa ka hadlay dacwadda u dhaxeysa dowladdiisa iyo shirkadda DP World.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay leedahay saamiyada ugu badan shirkadda, ayna arkeen shirkadda DP World in aysan ka shaqaynaynin danaha dekedaha Jabuuti, sidaasna ay ula wareegeen maamulka.

Balse waxa uu intaas ku daray: “Waan u ogolnahay saamigoodiii, balse waa in la’isku ixtiraamaa sida loo kala saami badanyahay”.

“Hase ahaatee, ilaa hadda, Jabuuti waxay dhagaha ka fureysatay dhammaan go’aannada kasoo baxay maxkamaddaas, iyadoo la ogyahay in heshiiska hore iyo qandaraaskaba ay ku saleysnaayeen sharciga Ingiriiska”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka DP World, oo inteeda badan leedahay dowladda Imaaraadka.

Qandaraaskii ay labada dhinac galeen markii ugu horreysay wuxuu ahaa in DP World ay gacanta ku heyso maamulka dekedda Doraleh, sida lagu xusay war-saxaafadeedkan ugu dambeeyay.

.

Go’aanka dowladda Jabuuti ay maamulka dekedda Doraleh kala wareegtay DP World ayaa ka dambeeyay markii ay shirkaddu sheegtay inay dhiseyso dekedda Bebera ee ay maamusho jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, si nay uga faa’iideysato Itoobiya.

Tallaabadaas ayey Jabuuti u arkeysay mid halis galineysa ganacsiga ay kaligeed heysatay ee ku saabsan kala daabulista badeecooyinka Itoobiya.

95% badeecooyinka Itoobiya waxay soo maraan dekedaha Jabuuti.

DP World, oo fadhigeedu yahay Dubai ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya ay shan jeer oo hore iska dhaga tirtay amarro kasoo baxay maxkamadda.

Mas’uuliyiinta Shirkaddan dekedaha maalgalisa ayaa sheegay inay hadda sugayaan jawaabta ay dowladda Jabuuti ka bixin doonto xukunka ugu dambeeyay ee ay maxkamadda soo saartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here