Dr Suleymaan: La dagaalanka musuqa iyo Al-Shabaab iskugu kaaya mid

xeer ilaaliyaha qaranka suleyman

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr, Suleymaan Maxamed Maxauud oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen kiis la xariira musuq-maasuq oo ka bilowday wasaaradda caafimaadka, lugahana la galay wasaarado kale oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya .

Dr Suleymaan ayaa tilmaamay in cadeymo lagu hayo mas’uuliyiinta xiran oo isugu jira agaasimayaal waaxeedyo iyo kuwa guud oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka in xafiiskiisu uu musuq-maasuqa iyo wax isdaba marinta uu ka taagan yahay meel aad u adag, sida la-dagaalanka Al-Shabaab oo kale, sida uu hadalka u dhigay

“Marka hore waxaan rabaa in aan kuu sheego musuq-maasuqu xafiiskeygu wuxuu ka taaganyahay meel aad u adag la dagaalanka musuqmaasuqa iyo la dagaalanka argagixasadu isku meel ayay xafiiskeena ka taaganyihiin”ayuu yiri Dr Suleymaan.

Dhinaca kale wuxuu digniin u diray shaqsiyaad uu carabka ku dhuftay inay difaacayaan mas’uuliyiinta xiran, islamarkaana ay dano gaar ah ka lee yihiin arrintaasi,

“Qof Meelahaa ka hadlaya oo dhahaya kiiska waa la siyaasadeyay iyo siyaasadbaa ku jirta waa qof iska hadlay booliisbaa jooga xeer ilaalinbaa shaqeynaysa”. ayuu sii raaciyey.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ay xiran yihiin illaa 20 qof oo u badan dad mas’uuliyiin ah, kuwaas oo loo heysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here