Dumarka Suudaan oo ku farxay soo afjaridda sharcigii xaddidayay habdhaqanka dadweynaha

banaanbax sudan

Waddanka Suudaan ayaa meesha ka saaray sharci xaddidayay habdhaqanka dadweynaha, kaasoo haweenka si gaar ah ugu bartilmaameedsanayay sida ay u labisanayaan.

Ra’iisul Wasaare Abdalla Hamdok, oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa dumarka ku ammaanay inay muddo dheer u dulqaadanayeen “cadaadis adag” oo uu sharcigaas xambaarsanaa.

Mas’uuliyiinta ku meel gaarka ah ee dalkaas ayaa sidoo kale baabi’iyay xisbigii uu hoggaanka u hayay madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir.

Bashiir ayaa xukunka Suudaan afgambi ku qabsaday sanadkii 1989-kii, wuxuuna dalkaas maamulayay ku dhawaad 30 sano oo xiriir ah, ka hor inta aan dibadbaxyo nabadeysan xilka looga tuurin bishii April ee sanadkan.

Sudanese woman chanting during a march in Khartoum marking International Day for Eliminating Violence Against Women
Waxaa meesha laga saaray sharci cadaadis badan ku hayay dumarka, waxaana la burburiyay xisbigii xukuumaddii hore ee Suudaan

Suudaan ayaa hadda waxaa maamula gole isugu jira saraakiisha milatariga iyo xubno ka socda shacabka, waxaana sidoo kale ka dhisan xukuumad rayid ah oo uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Hamdok.

Xuquuqda Sawirka @SudanPMHamdok@SUDANPMHAMDOK

Tallaabada lagu burburiyay xisbigii xukuumaddii hore, laguna baabi’iyay sharcigii habdhaqanka dadweynaha ayaa qeyb ka ahayd fulinta dalabaadka dadkii mudaharaadyada sameynayay, kuwaasoo ujeeddadoodu ay ahayd in laga takhaluso wax kasta oo la xiriiray maamulkii hore ee milatariga.

Dad badan ayaa arrintan awgeed ugu dabaaldagay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Aisha Musa, oo ka mid ah labada dumarka ah ee ku jira golaha maamula Suudaan ayaa BBC-da u sheegtay in xukuumaddii hore ay xoogga saareysay labiska dumarka, ayna diidi jirtay inay surwaalka xirtaan, laakiin aysan mas’uuliyad iska saari jirin sidii ay haweenku wax u baran lahaayeen iyo sidii ay adeeg caafimaad oo wanaagsan u heli lahaayeen toona.

“Wakhti unbay ku xiran tahay in uu dhammaado musuqmaasuqan oo dhan in in meesha laga saaro sida xun ee loola dhaqmo haweenka”, ayey tiri.

Haweeney ka tirsan dadka u dooda xuquuqda aadanaha oo lagu magacaabo Hala al-Karib ayaa sidoo kale BBC-da u sheegtay in tallaabada sharcigaas lagu burburiyay ay ahayd “mid aad u weyn”, oo muhiim u ah waddanka, waxayna ku doodday inuu ahaa mid xambaarsanaa fikradaha xukuumaddii la afgambiyay.

.
Isbaddalkan cusub waxaa ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Abdalla Hamdok

Maxaa ka dhacay Suudaan?

Xasilooni darrada ka jirtay Suudaan waxay soo billaabatay bishii December ee sanadkii 2018-kii, markaasoo xukuumaddi Al-Bashiir ay shacabka kusoo rogtay shuruuc adag oo dhinaca nolosha ah.

Dhimis lagu sameeyay wax soo saarkii rootiga iyo isticmaalka shidaalka ayaa kicisay caro dadweyne oo kasoo billaabatay dhinaca bari ee waddanka, iyadoo aad looga dhiidhiyay sicirbarar saameeyay shacabka.

Caradii dadweynaha ayaa ugu dambeyn ku fidday caasimadda Khartuum, halkaasoo ay dibadbaxyo waaweyn ka aloosmeen.

Mudaharaadeyaasha ayaa markii dambe dalbaday inuu xilka ka dago madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al-Bashiir.

Bishii April, Milatariga ayaa afgambiyay maamulkii Al Bashiir, laakiin wali mudaharaadyada ayaa sii socday, waxayna shacabku doonayeen in maamulka si buuxda loogu wareejiyo rayidka.

Dowlad ku meel gaar ah oo awoodda la wareegtay bishii August ayaa ballanqaadday inay mideyneyso dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here