Duqa Muqdisho oo Taliska Ciidanka Xoogga dalka kala hadlay Howlgallada ka socda Labada Shabelle

cumar filish iyo taliska ciidanka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulan looga hadlayay howlgallada Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha dhexe looga sifeynayo Al-Shabaab kula yeeshay degmada Dayniile Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Guddoomiyaha iyo Saraakiisha ka socotay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa isla falanqeeyeen muhiimadda uu amniga Caasimaddu u leeyahay xasilloonida dalka, iyagoo isku raacay in la dardargeliyo howlgallada looga sifeynayo kooxaha argagixisada deegaanada labada Shabeelle ee deriska la ah Muqdisho.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee Caasimadda, anagoo isku raacnay in la dardargeliyo howlgallada looga sifeynayo kooxaha argagixisada Gobollada Shabellaha Hoose iyo Shebellaha dhexe”.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in xoreynta labadan gobol ay muhiimad weyn u leeyihiin daganaanshaha Caasimadda, loona baahan yahay in si buuxda loo xaqiijiyo amnigooda.

Saraakiisha ka socotay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Maamulka gobolka Banaadir dadaalada xasilloonida loogu soo dabaalayo Caasimadda, iyagoo xusay in ay ka go’an tahay sidii guud ahaan dalka Amnigiisa loo xaqiijin lahaa.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howllan sidii loo dardargelin lahaa amniga Caasimadda, si bulshada ku nool Muqdisho Xasillooni u helaan, isla markaana looga hortago falalka ay kooxaha argagixisadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka, Xildhibaano iyo saraakiil ka socotay qeybaha Ciidanka amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here