Duqayn loo geystay Al-shabaab oo Malayshiyaad badan looga laayay

AlShabaab drone

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay duqaymo iyo weeraro toos ah oo halkaasi ka dhacay lagu laayay maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku sugan gobalka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay in duqaynta lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Al-shahabaab sidoo kalena lagu laayay malayshiyaad badan.

Hawlgalka qorshaysan ayaa waxa fuliyay ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo saaxiibadooda waxaana uu daba socday howlgal dhowaan ciidanka xoogga dalka ay kula wareegeen degmada Owdheegle iyo deegaano kale oo hoos taga gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here