Duqeymo iyo dagaal toosa oo lagu laayey Ciidamo Al-Shabaab ka tirsana

AlShabaab drone

Xalay saqdii dhaxe ayaa duqeymo iyo dagaal toos ah waxaa lagu qaaday xarumo ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku leeyihiin degmooyinka Jilib, Bu’aale iyo Saakow ee gobalka Jubada Dhexe.

Sida ay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda laga soo xigtay duqeymaha ayaa waxaa barbar socday dagaalo toos ah oo ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyadoo nolosha lagu qabtay xubno Al-Shabaab ah.

Sida ay sheegeen saraakiisha, goobaha la duqeeyay ayaa ahaa xarumo ay dagan yihiin Al-Shabaab waxaana mid ka mid ah ku diyaarsanaa ciidamo ay Al-Shabaab u diyaariyeen in ay ku qabsadaan degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Sidoo kale, xarun duqeyn iyo dagaal toos ah laga fuliyay oo ku taalla Bu’aale, ayaa la sheegay in lagu soo qabtay xubno Al-Shabaab ah.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha balse waxay saraakiishu sheegeen in ay ku dileen tobaneeyo Al-Shabaab ah qaarna ay nolasha ku soo qabteen.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ay xalay maqlayeen dhawaaqa madaafiic culus iyo rasaas toos ah.

Weli Al-Shaabab arintaan kama hadlin, hase yeeshee waxaa muddooyinkaan si joogto ah ay duqeymo uga dhacayeen goobaha ay joogaan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here