Erdogan oo xayiraad kusoo rogay hub Nukliyeer ah oo Mareykanka u yaalla Turkiga

madaxweyne erdogan

Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa dib u eegaya qorshooyinka ah in la daadgureeyo illaa 50 bambaanooyin oo Nukliyeer ah oo muddo dheer lagu keydinayey Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Turkiga ka dib howlgalka militari ee Ankara ee waqooyiga Syria, sida lagu sheegay warbixin.

Saraakiil ka tirsan wasaaradaha arrimaha dibadda iyo tamarta Mareykanka ayaa maalma ka hor waxay ka Shireen waxa laga yeelayo 50-ka madax ee hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ka yaalla Turkiga iyo qaabka ay ula soo bixi karaan sida uu daabacay Wargeyska The New York Times ee dalka Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa biloway inay ka fakarto waxa laga sameenayo hubka Niyukleyrka ee u yaalla saldhig milateri oo ku yaalla koonfurta bari ee dalka Turkiga kadib markii laba dowladood uu soo kala dhex galay mugdi.

Hubkaas Mareykanka u yaalo dalka Turkiga ayaa la sheegay inuu xayiray Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan oo diiday inuu Mareykanka la baxo hubkiisa halkaas yaalo.

Xukuumadda Washington ayaa isku dayeysa sidii xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa arrintan, xilli Turkiga uu waqooyiga dalka Suuriya ka wado duulaan uu ku baacsanayo Kurdiyiinta Suuriya.

Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqday mid xaqiijiyay hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ugu keydsan dalka Turkiga, taas oo ahayd sir aanan mudo la shaacinin, waxbadanna aanan laga ogeyn.

Dhanka kale  Donald Trump ayaa dhankiisa sheegay in duullaanka uu Turkiga ku qaaday xadka Suuriya uusan ahayn mid lagu qaaday “xudduuddooda”, waxa uuna intaa ku daray in Kurdiyiintu oo xulufo la ahaan jiray mareykanka aysan ahayn “malaa’ig”.

Xubnaha Aqalka Wakiillada ee baarlamaanka Mareykanka oo ay ku jiraan kuwa xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ayaa cambaareeyay tallaabada uu Mareykanka ciidamadiisa ugala baxay dalka Suuriya.

Madaxweyne Trump ayaa warbaahinta u sheegay in mareykanku uusan ahayn “booliska caalamka”.

Tobannaan ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay howlgalka ay billaabeen ciidamada Turkiga, halka in ka badan 160,000 oo ruux ay ka barakaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here