Erdogan: “Soomaaliya ayaa nagu casuuntay in baaritaan ku sameyno shidaalka Badeeda”

madaxweyne erdogan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay maanta in dowlada Soomaaliya ay ku casuuntay in baaritaan shidaal ay Turkigu ku sameeyaan badda dalka Soomaaliya.

Erdogan oo hadlay isagoo ka soo laabanaya shir madaxeeda ka dhaca Berlin ayuu sheegay in ay ka jawaabi doonaan casuumada Soomaaliya balse ma shaacin xilliga uu bilaabi doono barista shidaalka ee dalka Soomaaliya.

“Dalab ayaa ka yimid Soomaaliya, waxay leeyihiin Badeena shidaal baa ku jira, howlo baaritaan ahna waxaad ka sameyneysaan Libya, sidoo kale dalkeena waad ka sameyn kartaan, waana inoo muhiim.”ayuu yiri Erdogan isagoo la hadlayay NTV.

“Haddaba,waxaan qaadi doonaa tallaabooyin aan dalabkaa ugaga jawaabeyno”, ayuu sii raaciyay.

Turkiga ayaa ahaa dal si weyn gargaar bani’aadanimo u siiya dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011, waxayna dowlada Ankara raadinaysaa inay saameeyn ku yeelato Geeska Afrika si ay u wajahdo dalalka ay iska soo horjeedaan ee Sacudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Injineero Turkey ah ayaa ka caawinaya soomaaliya sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa waddooyinka dalka sidoo kale saraakiil Turkey ah ayaa tababara ciidamada Soomaaliya si dib u dhis loogu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here