Faah-faahin Ciladii qabsatay diyaaradda Turkish Airlines ee Muqdisho lagu soo celiyey

garoonka muqdisho adan cade2

Mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Turkish Airlines ayaa dib loogu soo celiyay garoonka Aden Adde International Airport kadib muddo ay hawada ku jirtay.

Diyaaradaan ayaa ka duushay magaalada Muqdisho si ay u gaarto magaalada Istanbul, balse nasiib xumo waxey haleeli weysay xiriirka Turkiga, taas badalkeedana waxey go’aansatay iney dib ugu soo noqoto halkii ay ka kacday maadaama ay heshay xiriirka hogaanka duulimaadka iyo Socdaalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka Soomaaliya oo ku sugan garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in la xaliyay cilladii heysatay isla markaana ay duulimaadkeed sii wadan doonto.

Tan iyo sanadkii 2011 ayey diyaaradaha shirkadda Turkish Airlines isticmaalayeen hawada Soomaaliya, waana markii ay dowladda Turkiga ogolaadeen iney dhan walba ka taageeraan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here