Faarax Macalin oo shaaciyey in ganacsatada Soomaalida ay ka wareegeen Kenya

faarax macalin

Siyaasiga Faarax Macalin oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in inta badan ganacsatada Soomaalida, Maalqabaneeda iyo Qurbe joogta ay u wareegeen dalalka Itoobiya iyo Turkiga, islamarkaana ay guryo ka iibsadeen dalalkaasi.

Faarax Macalin ayaa shaaciyey in 50,000 oo Qoys oo Soomaali ah ay deganaansho rasmi ah ka heleen gudaha dalka Turkiga, kuwaas oo markii hore ku noolaa Kenya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ganacsato iyo maalqabeeno badan oo Soomaali ah u wareegsadeen dhanka dalka Itoobiya oo ay ka bilaabeen howlahooda gancsi.

Siyaasiga Faarax Macalin ayaa in arrintan ay sababtay siyaasad xumada wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo uu aad u dhaliilay.

Waxa kale uu intaasi ku daray inuu hoos u dhacay dhaqaalihii dowladda Kenya ka heli jirtay Soomaalida, taas oo uuu xuusay inuu sanad ka hor ka digay.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa hoos u dhac ballaaran laga dareemayey ganacsiga Soomaalida ee Nairobi, kaas oo sanadihii la soo dhaafay dhulka galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here