Farmaajo oo markii ugu horreysay raalligelin siiyay Somaliland

farmaajo4

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay sheegay inuu raalligalin ka bixinayo “dhibaatadii ka dhacay gobollada Waqooyi”, intii ay jirtay dowladdii milatariga.

Isagoo ka hadlayay Shir sannadeedka labaad ee garsoorka Soomaaliya, oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayuu Farmaajo sheegay in isagoo madaxweynaha qaranka ah uu arrintaas “cudurdaar ka bixinayo”.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay: “Waxaa loo baahan yahay garowsho iyo in wixii xumaa ee dhacay la iska cafiyo, wixii chapter(qeyb) madow ahaa oo taariikhdeenna galay inaan saxno. Macnaheedu waxay tahay, dhibkaas ka dhacay Waqooyi inaan cudur-daar ka sameyno, inaan raalligalin ka sameyno, dadkaas walaalaheenna ah intii dhimatay iyo intii dhaawacantay, aan niraahno taariikh xun bay ahayd, waa wax aan soo marnay”.

“Runtii wixii halkaas ka dhacayna sababtii ka dambeysay ma ahayn Koonfur oo Waqooyi ku duushay, wax qabiil ku saleysanna ma ahayn, waxay ahayd system(nidaam) dowli ah oo markaas jiray”, ayuu hadalka ku daray Farmaajo.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu intaas ku daray: “Anigoo madaxweynihii Qaranka ah inaan cudurdaarkaas sameeyo oo raalligalintaas aan gaarsiino walaalaheen reer Waqooyi idinkuna aad ila qaadataan. Dhanka kale dadkii qoryaha watay ee dagaallamayay iyagana laftooda cudurdaar baa laga rabaa”.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa ku dooda in xasuuq uu ka dhacay Hargeysa iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobollada Waqooyi, dabayaaqadii 1980-meyadii.

Ka dib markii ay burburtay dowladdii militariga, Somaliland waxay ku dhawaaqday madaxbannaani iyo in ay tahay dal ka go’ay Soomaaliya, inkastoo weli aan si caalami ah loo aqoonsan.

Saraakiil hore oo ka tirsanaa dowladdii milatariga ee Soomaaliya ayaa dhacdooyinkaas awgood dacwado looga gudbiyay, iyagoo ku sugan dibadda.

Waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Cali Samatar.

Sidoo kale, bishii March ee sannadkii lasoo dhaafay, xeerbeegti Maraykan ah ayaa dambi ku heshay, Kornayl Yusuf Cabdi Cali oo ku magac-dheer Kornayl Tuke, isaoo la sheegay inuu jirdil gaystay xilligii uu socday dagaalka. Waxaa lagu xukumay inuu bixiyo magdhaw gaaraya 500,000 oo doollar.

Hadalka raalligalinta ah ee kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa yimid hal maalin kaddib markii uu magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Labada madaxweyne oo kulankoodii ugu horreeyay yeeshay tan iyo markii ay xilalka qabteen sannadkii 2017-kii ayaa isku arkay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland labaduba way xaqiijiyeen inay wada fariisteen laakiin faah-faahin dheeraad ah kama aysan bixinin waxa ay ka wada hadleen.

In muddo ahba waxaa hakad ku jiray wadaxaajood u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, kaasoo la billaabay xilligii ay jirtay dowladdii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya.

Labada dhinaca ayaan isku waafaqin inay isasoo horfariistaan tan iyo markii ay maamulka la wareegtay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here