G G/Dhexe ee Kulmiye oo eedeyn aan waxba ka jirin u jeediyey Wasiir hore Yuusuf Garas

muuse biixi caano

Waraysi uu SAAB TV la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa lagu sheegay in Wasiir hore Yuusuf Garas uu ka qaybgalay xafladda caleemasaarka madaxweynaha lagu muransan yahay Jubbaland, warkaas oo ahaa mid aan waxba ka jirin.

Xubin ka mid ah hawlwadeena shebekadda xaysimo.com oo Adis Ababa ku sugnayd ayaa Yuusuf Garas halkaas kula kulantay, wuxuuna ahaa nin ku mashquulsan dano isaga u gaar ah, xiriir kale oo aan la sameynay maalintii Caleemasaarka Axmed Madoobe wuxuu sidii caadiga u ahayd uu ku sugnaa Adis Ababa.

Baaris gaar ah oo aanu si gooni ah ugu eegaynay inay xubno siyaasiyiinta Somaliland ka mid ahi ay iscaleema-saarka Axmed Madoobe ka qaybgalaan, Yuusuf Garas wuxuu ka mid ahaa dadka sida weyn uga soo horjeeday ka qaybgalka xafladaas.

Eedaynta Gudoomiyaa Golaha Dhexe ee Kulmiye u jeedaiyey Wasiir hore Yuusuf Garas ayaa ah mid aan waxba ka jirin.

Wasiir Garas oo Magaalada Adis Ababa ku sugan ayaa isna salay beeniyey eedeyntaas loo soo jeediyey.

Waa dhaqan Somaliland ka jira in siyaasiyiinta isku degaanka ahi ay iswanjalaan, gudoomiyaa Golaha Dhexe ee kulmiyena wuxuu ka soo jeedaa degaanka Garas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here