Gaari ambalaas ah oo lagu qarxiyey duleedka Gaarisa iyo dhowr qof oo ku dhintay

qarax

Inta la xaqiijiyey seddax qof ayaa ku geeriyootay duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, kadib markii gaari Ambalaas ah oo ay weteen uu dul maray miino la aaminsanyahay in Al-Shabaab ay goobta ku aaseen.

Qof ku sugan deegaanka uu ku qarxay gaarigaasi ee u dhaw Gaarisa ayaa wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya u sheegay in la aaminsanyahay qaraxaas inay ka dambeeyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo qaraxyo iyo weerarro toos ah ka fuliya gudaha Kenya.

“Gaari Ambalaas ah oo ka imaanayey deegaanka Sangailu Dispensary kuna sii jeeday Gaarisa ayaa waxaa saarnaa afar qof oo kala ahaa darawalkii haweeney iyo laba wiil. Markii ay gaareen meesha loo yaqaano Qurachindi, waxaa gaariga ku qaraxday miino uu dul maray” ayuu yiri Mr Ndalana.

Waxa uu sheegay in haweeneydii, darawalkii gaariga iyo hal wiil ay ku dhinteen goobta, isla markaana dhaawaca hal wiil oo kale loola cararay cisbitaalka magaalada Gaarisa.

Al-Shabaab ayaa inta badan qaraxyo iyo weerarro ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka ay Soomaalidu degto ee Waqooyi Bari, halkaas oo inta badan ay wadada u galaan gaadiidka dadweynaha, iyagoo mararka qaar dadka safarka ah kala dega kadibna dila.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here