Gabadh u dhalatay Koonfur Afrika oo ku guulaysatay tartanka quruxda adduunka

Zozibini Tunz safrica

Gabadhan oo lagu magacaabo Zozibini Tunzi, ayaa habeenkii Axadda ahaa ku guulaysatay tartanka quruxda adduunka ee sanadka 2019-ka.

Ms Tunzi ayaa markii loo soo bandhigay su’aalaha ku jawaabtay in waxa ugu muhiimsan ee gabdhaha looga baahanyahay inay tahay barashada sida hoggaanka loo qabto.

“Waa arrin ay gabdhaha da’da yar aysan helin muddo dheer maxaa yeelay bulshada ayaa ugu tala gashay inaysan baranin. Waxa aan aaminsanahay inay dumarka yihiin kuwa ugu awoodda badan dunida.” Ayey tiri.

Ms Tunzi ayaa marar badan baraha bulshada ka samaysay olole ay ku wacyigelinayso dumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here