Gabadhi ugu horreysay oo telefishin madax bannaan ka furtay Jigjiga

Filsan Cabdullaahi Axmed

“Deegaanka Soomaalida waxyaabaha sida weyn uu ugu baahan yahay waxaa ka mid ah warbaahin. Deegaanka soomaalidana waxaa ka jirta baahi warbaahineed oo aad u weyn. Warbaahinta keli ah ee deegaanka ka jirtana waa warbaahin ay dowladda leedahay” ayey tiri Filsan.

Telefishiinka Nabad ee ay Flisan aasaastay wuxuu hawada ku jiray bilooyin balse waxaa si rasmi ah ah xarigga looga jaray maanta oo Sabti ah.

Flisan waxay sheegtay aasaasidaa warbaahin gaar loo leeyahay, gaar ahaanna telefishiin madax bannaan ineysan ahayn wax sahlan balse waxkasta oo caqabad ah oo ay la kulntay iyo dhibaatooyinka ka wajahayba inuu ka hor istaagin iney talafishiin aasasto.

Telefishiinka ‘Nabad’ ayaa noqday telefishiinki ugu horreeyey oo gaar loo leeyahay oo deegaanka Soomaalida ka howlgala ayna aasaasto gabar Soomaali ah.

Filsan Cabdullaahi Axmed waxay ku dhalatay magaalada Jigjiga o ay waalliddiinteeda ku noolaayeen waxayna ku soo barbaartay magaalada Addis Ababa, waxbarashadeeda jaamacadeedna waxay ku qaadatay dalka Ingiriiska.

Filsan waxay sheegtay dagaallo dhowr sana ka hor dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada iney dad badan ku dhinteen taasoo ah wax aad looga naxa.

Gaar ahaanna rabshadihi 2018-kii ka dhacay deegaanka Soomaalida waxay ahaayeen kuwa ay dad badan ku naf waayeen, xilligaasina ay ka mid ahayd shaqsiyaadki nabadeynta labada qowmiyadood sida weyn uga soo shaqeeyey.

Dagaalladi labada qowmiyadood dhexmaray si loo soo afjaro iyada oo kaashaneyso dhalinyaro 300 ka kooban oo labada qowiyadood ka soo kala jeedda ayaa waxay xustay iney horay u diyaarisay masraxyo ay ugu magac dartay “Masraxyada iscafinta iyo Midnimada”.

Magaalada Jigjiga iyo Addis Ababa kulammada lagu qabtay waxaa dheera oo ay Filsan masraxyo kala duwan ku qabatay magaalooyin ku teedsan xadka ay wadagaan labada dowlad deegaan.

Waxayna bulshooyinka labada qowmiyadood ka wada hadleen dhibaatooyinka u dhaxeeya labada dhinac sidi ay wadahadal ugu xallin lahaayeen.

Filsan waxay sheegtay dhibaatooyinka ka dhex dhacay labada qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada waxaa sii huriyey iney ahaayeen shacabka labada dhinac oo aan helin xog sax ah oo dhanna u eexan.

Kaddibna waxaa ku dhalatay si ay labada qowmiyadood ee walaalaha ah ay nabad ugu wada noolaadaan xog sax ahna ay u helaan in loo baahan yahay idaacad madax bannaan maadaaamaa ay ogaatay waxay ku soo noqotay magaalada Jigjiga iyada oo Ingiriiska isaga timid si ay u aasaasto warbaahin madax bannaan.

“Si aan u sameeyo warbaahin madax bannaan oo shacabka u taagan oo ay shacabku ku wada xiriiraan ayaan go’aansaday waxaanna sameeyey Nabad TV” ayey tiri.

Dhibka ugu weyn ee ay la kulantayna waxay ku sheegtay inuu ahaa marki ay dadka la wadaagtay iney aasaasayso telefishiin madax bannaan in lala yaabay oo lagu yiri “Warbaahin ay dowlad laheen, oo gaar loo leeyahay, oo shacabka u adeegaya” ay dadku qaadan waa ku noqotay.

Kharashki ama lacagti aasaasidda telefishiinka uu u baahnaa iney hesho ama ay soo uruurisana waxay sheegtay iney ka mid ahayd dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ay la kulantay.

Telefishiinka Nabad oo baahintiisa ugu horreeya Af-soomaali ku billaabay wuxuu tabiyaa warar iyo barnaamijyo madadaalo ah, ujeeddadiisa ugu weyna ay tahay inuu shacabka isku soo dhaweeyo.

Doorka Soomaalida ay ku leedahay siyaasadda dalka Itoobiya

Filsan waxay aaminsan tahay iney Soomaalida dalka Itoobiya doorka ay siyaasadda dalka ku leeyihiin inuu aad u yar yahay.

Taasi oo ay sheegtay iney muwaaddiniinta deegaanka Soomaalida ay takoor kala kulmaan dalka.

“Dad badan oo ku nool deegaanka Soomaalida intooda badan ma aaminsana iney Itoobiyaan yihiin, si marka arrimahaasi wax looga baddalo waa iney dowladda laamaha kala duwan ay qaadaan tallaabbooyin wax ku ool ah” ayey tiri.

“Deegaanka Soomaalida wuxuu leeyahay aqoonyahanno deegaanka Soomaalida iyo dalka intiisa kalaba anfacaya. Marka waa in la helaa nidaam dadkaasi u suuragelinaya ka qayb gal ballaadhan u horseedi kara”. ayey tiri Filsan Cabdullaahi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here