Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo laga gudbiyey xil ka qaadis

cabdixakiin dhoobodaareed

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, ku dhowaad 40 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa xalay fiidnimaddii shir-gudoonka u gudbiyey mooshin xilka lagaga xayuubinayo Guddoomiyaha golaha baarlamaanka ee Maamul goboleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Israsaasayn khilaafka lala xiriirinayo oo xalay aqalka Baarlamaanka ka dhacday ayaa saqdii dhexe la soo afmeeray, kadib markii ciidamada Puntland ay si buuxda ula wareegeen, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa la filayaa inay maanta ka arinsan doonaan Xilka qaadista Gudoomiyaha.

Gudoomiye Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa sheegay in aanu aqbali doonin goaan kasta oo golaha ka soo baxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here