Guddoomiyihii guddiga bad-baadada Jubaland oo caawa lagu toogtay Kismaayo

abukaate axmed jaamac qalyar gbadbaada jubaland

Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la-magacbaxay badbaada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka Jubbaland ayaa caawa lagu weeraray magaalada Kismaayo.

Axmed Jaamac oo sidoo kale ahaa Nabadoon si weyn looga yaqaanay Kismaayo ayaa dabley hubaysan waxa ay weerar ku qaaday xilli uu ku sugnaa goob Biibito ah oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo.

Xubno ka tirsan xildhibaanada garab madaxweynaha u doortay Cabdirashiid Xidig ayaa xaqiijiyay in dhowr xabad lagu dhuftay, islamarkaana dhaawac daran uu kasoo gaaray rasaasta ay ku fureen kooxdii weerarka ku qaaday.

Dhaawaca Nabadoonka oo sida la sheegay aad u daran ayaa hadda lagu dabiibayaa Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, waxana la xaqiijiyey in ilaa Afar xabadood oo ka mid ah rasaastii lagu furay ay madaxa kaga dhacday.

Dableydii dhaawaca u gaysatay Nabadoon Axmed Jaamac ayaa goobta iskaga baxsatay, walina wax war ah oo ku aaday arintaan kama soobixin hey’adaha ammaanka maamulka Jubbaland.

Ninkaan ayaan hadda wax jago ah ka heyn garabka is-badel doonka ee madaxweynaha u doortay Cabdirashiid Xidig, balse waxa uu guddoomiye ka soo noqday guddigii ay sida wadajirka ah u magacaabeen musharaxiintii is baheystay ee lamagacbaxay is-badal doonka Jubbaland.

Guddigii uu guddomiyaha ka ahaa ayaa soo xulay xildhibaanada Jubaland ee garabka madaxweynaha u doortay Xildhibaan Cabdirashiid Xidig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here