Guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor oo Maamulka Koofurgalbeed isku dhiibay

G Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur shigshigow

Guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor ee Gobolka Bay Ibraahim Maxamed Nuur shig-shigow ayaa isku dhiibay Maamulka koonfur Galbeed.

Ibraahim Shigshigow oo ciidamo daacad u ah ay dagaal la galeen ciidamo Boolis ah iyo kuwa ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

Shigshigow ayaa hore u diiday inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee dhowaan uu magacaabay Maamulka Koofurgalbeed.

Dadaalo ay sameeyeen xubno wasiiro iyo oday dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Bay ayaa ugu dambeyn ku qanciyay guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor inuu is dhiibo.

Xaalada degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa degen maanta kadib markii iskahorimaad hubeysan shalay ay ku dhinteen illaa lix ruux halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here