Gudoomiyaha Cusub ee Dhuusamareeb oo ka hadlay waxqabadkiisa

Dhuusamareeb2

Guddoomiyaha Cusub ee Magaalada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqarow ee uu shalay Magacaabay Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu ka hadlay qorshe howleedkiisa ee maamulka Cusub ee degmadaas uu qaban doono.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Geedaqarow in marka hore ay u tallaalo shaqo adeg oo u baahan in la qabto ayna iska kaashan doonaan Maamulka Cusub iyo Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug.

Isaga oo warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Cusub ee Dhuusamareeb ayaa waxaa uu sheegay inay ka shaqeyn doonaan Arrimaha dib u heshiisiinta oo uu tilmaamay inay u sameeyn doonaan Bulshada ku dhaqan Caasimadda Galmudug si ay wadashaqeyn bulshada ula yeeshaan Maamulka Cusub.

Guddoomiye Geedaqarow ayaa tilmaamay in Dhuusamareeb dhawaan uu dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwii Ahlusunna Waljameeca, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isagoona xusay dagaalkaas uu maamulkiisa ka sameeyn doono u dib u heshiisiin si loo helo bulsho wada socota.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Cusub ayaa waxaa uu u mahadceliyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu xilka u magacaabay, isagoona shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan maamulkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here