Hargeysa: Roobab xoog leh oo sababay 3 dhimasho ah iyo 6 dhaawac ah

roob

Roobab xoog leh oo dabaylo wata ayaa galabta magaalada Hargeysa ka da,ay.

Roobka ayaa dhaliyey khasaare naf iyo maalba leh, ilaa hadda waxaa Cusbitaalka Hargeysa la geeyey 3 qof oo dhimasho ah iyo 6 dhaawac ah.

Dadka dhintay ayaa la sheegayaa inay ku jireen dhakhtar shicib oo dadka maskaxda ka jiran lagu hayo, waxaana ku dhumay gidaar.

Korontada ayaa meelaha qaarkood cabaar gonayd, hadase dib ayey u soo noqotay.

Xiliyada roobabowda ah ayaa biyaha rogmada waxay katar geliyaan gaadiidleyda iyo dadka saaran ee ka gudbaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here