Hawlgal laga fuliyey Sh/dhexe oo lagu dilay xubno Shabaab ka tirsan

kheyre ciidamo hawlgal4

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha dhexe Ciidamo Militari ah ayaa hawlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaan u dhaw Degmada Balcad.

Hawlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Danida oo ku yaalla agagaarka Balcad, gaar ahaan wadada isku xirta Balcad & Afgooye.

Ciidamada Militariga Somaliya ayaa weerar gaadmo ah ku dilay laba nin oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo lacago ka qaadi jiray gaadiidka isaga kala gudba Balcad & Degmada Afgooye.

Dadka deegaanka waxa ay sheegeen ciidamada Militariga sidoo kale inay u suuragashay soo qabsashada hub yaallay deegaankaasi oo Shabaab ay lahaayeen, kaasi oo yaalay meel Shabaab lacagaha gaadiidka uga qaadaan.

Intii lagu guda jiray hawlgalkaan qorsheysan, ayaan jirin wax Khasaare ah oo soo gaaray Ciidamada Militariga dowladda Federalka Somaliya ee hawgalka fuliyay.

Al Shabaab ayaa goobo Koontaroolo ah oo gaadiidka lacago kala duwan uga qaadaan waxa ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here