Hayaanka dawladnimo waa soconaysaa Dabadhilifyaduna waa qaylinayaan

madaxda dalka iyo dabadhilifyada

Waxaa jira oraah qadiim ah oo tiraahda (the dogs bark, but the caravan goes on) oo arabi aالكلاب تنبح ، لكن القافلة تتحرك taas oo macnaheedu yahay safarku wuu soconayaa, eyduna waa qaylinaysaa, maahmaahdani waxay khusaysaa marxaladda maanta Soomaaliya ku jirto, waxaana loogu maahmaahaa dadka dabadhilifyadda loo yaqaano ee cadowgu ku adeegto ee isku daya inay nolasha iyo horumarka Bulshadda is hortaagaan.

Caravan soconaya iyo dabadhilif qaylinaya

MAANTA SOOMAALIYA WAXAY CAGTA SAARTAY TUBTII HORUMARKA IYO DAWLADNIMADDA, MANA LA JOOJINAYO, DABADHILIFYADA CADOWGA U ADEEGAANA HAYSKA QAYShEEN.

Shirkii Garoowe ee lagu dhabarjebinayey midnimadda Qaranka iyo horumarka Soomaaliya ee ay soo abaabuleen Kenya oo dhulka iyo badda Soomaaliya boobaysay iyo Imaaraadka Carabtu oo ah Cadowga koowaad ee Soomaaliya, dhamaan dadkii taloxumadaas ka qaybgalay waxaa Soomaali uga qiimo iyo qadarin badnaa TALIYAHA CIIDAMADA LUGTA SOOMAALIYA GENERAAL CABDIXAMIID MAXAMED DIRIR oo Puntland ka soo jeeda oo mudooyinkii ugu dambeeyey haystay indhaha, quluubta iyo taageerada umadda Soomaaliyeed, isagoo hogaaminaya Ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo sawiradiisa iyo wararka ciidamadu ahaayeen kuwii ugu daawashada iyo hadal-haynta badnaa, kuwaas oo qabsaday baraha bulshada, waxayna dabooleen in la xiiseeyo Shirkii loogu magacdaray wadatashga Puntland iyo shirqooladii laga soo maleegay.

Umadda iyo Dawladda Soomaaliya waxaa ku waajiba inay garwaaqsadaan in 10-ka dabadhilif ee cadowga Soomaaliyeed iyo shisheeyuhu adeegsanayaan ay yihiin cadowga ugu xun ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed leeyiiin, waana in meel looga soo wada jeesto,islamarkaana aan loo hakin geedi socodka, maskaxda, muruqa iyo maalkana laysugu geeyaa sidii Goboladda Jubbaland looga xoreyn lahaa Kenya iyo dabadhilifyada ay ku adeeganayso, islamarkaana aan dheg loo jalaqsiin GAROOWE OO XAAMILO AH OO DOONAYSA INAY MAR LABAAD DHASHO SOOMAALIYA KALE OO AY HOOYO U NOQOTO.

Gudiga Doorashooyinka ee madaxa banaan waa ku waajiba inay degaankii ciidamada qaranku ay qabtaanba ay tagaan oo doorashadda u diyaariyaan tusaale ahaan Gobolka Gedo, degaankii doorashada diidana ay xildhibaanada Xisbiyadu isxambaar ku qaybsadaan oo Xisbi walbaa qaybtii uu dalka ka helay percentage ku qaataa.

30 Sano ayaa la shirayey ee yaan dib loo noqon, Farmaajona hadduu kursigiisa ku waayayo waa inuusan aqbalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here