Howlgalo ciidamada milatariga ka sameeyeen deegaan ka tirsan Baardheere

ciidamada somalia

Ciidamada Milatariga Soomaaliyeed ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Howlgalkan ayaa ciidamadu waxa ay ka fuliyeen deegaan u jira 50km magaalada Baardheere iyagoo halkaa ku diley dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab hub iyo xoolana ku soo furtay sida uu saxaafada u sheegay Taliyaha Ururka 49aad qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka Maxamed Cali Cabdullaahi.

“Howlgalkan waxaan ku soo celinay xoolo isugu jira ari iyo geel oo markii hore si qasab ah loogaga qaaday xoolo dhaqato Soomaaliyed.”ayuu yiri sarkaalkan u hadlay ciidamada xoogga ee gobolka Gedo.

Ma jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada ciidamada milatariga, iyadoo sidoo kale ururka Al-Shabaab uusan ka hadlin iska horimaadkan ka dhacay gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here