Imaaraadka Carabta oo ka laabtay qorshihii dhismaha saldhigga militari ee Berbera

madaarka berbera

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa baabi’isay qorshihii ay saldhig militari uga dhiseysay magaalada Berbera, waxaa sidaas maanta weriyey wargeyska The National ee kasoo baxa Imaaraadka.

Wargeyska ayaa qoray in dowladda Imaaraadka Carabta ay saldhig militari ku lahayd dalka Eritrea tan iyo sanadii 2015, hase yeeshee ay ka laabatay qorshihii ay saldhig kale uga dhiseysay Berbera.

Wargeyska The National ma shaacin wax sabab ah oo loo joojiyey qorshahaas, sidoo kalena ma bixin wax sharaxaad ah.

Baarlamanka Somaliland ayaa 12-kii Febraayo 2017 waxa uu si aqlabiyad leh ugu codeeyey heshiis dowladda Imaaraadka Carabta u ogolaanaya inay saldhig ciidamada cirka iyo badda ah ka sameysato Berbera.

Qorshahaas ayaa waxaa si weyn uga hor-yimid baarlamanka Soomaaliya oo isla sanadkii 2017 ansixiyey mooshin ku amraya Imaaraada Carabta inay joojiyaan dhismaha saldhiggaas, kana baxaan dalka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa 14-kii September 2019 shaaciyey in garoonka Berbera ee militariga Imaraaadka Carabta loo beddelay garoon shacab, taasi oo markii ugu horreysay muujisay is-beddel ku yimid qorshihii Imaraaadka.

Hase yeeshee, Muue Biixi ayaa maalin kadib hadalkaas ka laabtay, isaga oo sheegay sheegay in xukuumadiisu aysan marnaba ka bixin heshiiskii ay hore ula gaashay dowladda Imaaraadka Carabta, balse laga maarmi waayey in garoonkii Berbera loo isticmaalo shicib ahaan.

Madaxweynaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Garoon aan isleeyahay waa ka Afrika ugu weyn ayaa la dhisay, adduunkoo dhanna ciidamada iyo shicibku way wada isticmaalaan garoomada, markaa laga maarmi maayo in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here