Imisa jeer ayaa la weeraray dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye?

dhismaha wadada muqdisho afgooye

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in weeraro fara badan lagu qaaday dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye kuwaasoo uu sheegay in lagu doonayey carqaldeynta dib u dhiska ku socda jidkaas.

Waxaa uu intaas ku daray in Ciidanka amniga ay ka hor tageen weeraradaas oo uu xusay iney soo qaadeen kooxda Al-Shabaab.

Kheyre ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay kasoo horjeeddaan Mashaariicda lagu horumarinaayo dalka, ayna isku dayayaan iney hor joogsadaan dib u dhiska dalka.

Waxaa uu ugu baaqay Hay’addaha kala duwan ee Ammaanka inay la shaqeeyaan dhalinyaradda Soomaaliyeed si loo xoojiyo Xasiloonida Muqdisho.

“Al-Shabaab 11 Jeer ayey soo weerareen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, oo aan rajeyneyno in lagu soo gabagabeeyo labo bilood gudahood” ayuu yiri Kheyre oo hadalkan ka jeediyey daahfurka shirweynaha Qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed oo galabta ka furmay Muqdisho.

Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku guuleysatay fulinta mashruucan ayaa ku howlan dhismaha wadada Afgooye iyo Muqdisho oo ay maalgelisay dowlada Qatar, iyadoo weerarada lagu qaaday wadadan ay qaarkood ku dhaawacmeen Injnineero Turki ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here