Khilaafka u dhexeeya dalalka Masar iyo Itoobiya ee salka ku haya biyo-xireenka weyn ee ay xukuumadda Addis Ababa ka dhisayo webiga Blue Nile ayaa maalmihii dambe sii xoogeystay.
Itoobiya ayaa 26-kii February si ku meel gaar ah u hakisay ka qeyb galka wadahadallo uu Maraykanka garwadeen ka ahaa oo ku aaddanaa buuxinta iyo maamulka biya-xireenkaasi, waxaana ay codsatay in muddo dheeraad ah la siiyo si ay uga soo tashato heshiiska hordhaca ah.
Iyadoo boqolkiiba toddobaatan(70%) la dhammeystiray dhismaha biyo-xireenka ayaa waxaa la filayaa in bisha July la billaabo buuxintiisa, waxaana aad usii yaraanaya waqtiga lagu dhammeystiri karo wadahadallada.
Itoobiya ayaa u aragta in Mareykanka aanu dhexdhexaad ka ahayn wadaxaajoodka, uuna la safan yahay dalka Masar, sida ay sheegtay jariiradda Foreign Policy.
Addis Ababa ayaa dhowr jeer ku gooddisay inay difaacan doonto biyo-xireenka ayna xaq u leedahay ka faa’iideysiga biyaha webiga.
Arrintan ayaa timid kaddib markii Mareykanka uu sheegay in dhismaha biyo-xireenka aanan la dhammeystiri karin ilaa iyo inta heshiis rasmi ah laga gaarayo.
Haseyeeshee, dowladda Masar ayaa ku doodeysa in haddii Itoobiya ay dhammeystirto biyaxireenkaasi uu saameyn ku yeelan karo biyaha ay masar ka hesho webiga.
Haddaba milateri ahaan yaa awood badan Masar iyo Itoobiya?
Marka ay timaado awoodaha milateri ee dalalka Masar iyo Itoobiya, milateriga Masar waxaa lagu qiimeeyay in uu kamid yahay tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka, dhanka milateriga.
Shabakadda The global fire power oo inta badan wax ka qorta awoodaha milateri ee dalalka caalamka ayaa warbixin ay soo saartay sanadkan 2020 ku sheegtay in milateriga Masar uu yahay kan 9-aad ee ugu awoodda badan dunida, halka milateriga dalka Itoobiyana uu yahay kan 60-aad ee ugu awoodda badan dunida.
Awoodda milateri ee Masar
Wargeyska The Forbes ayaa milateriga waddanka Masar ku tilmaamay kan ugu awoodda badan dalalka bariga dhexe marka laga soo tago Turkiga oo ah dalka ugu awodda badan gobolkaas.
Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global fire power ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof.
Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba.
Global Fire Power waxaa uu soo wariyay in Masar ay heysato 4,295 oo ah taangiyada dagaalka, 11,700 oo ah baabuur gaashaaman, 2,189 oo ah gantaallada goobta laga rido iyo 1,084 oo ah madaafiicda wax duqeeya.
Dhanka ciidammada badda ee Masar waxay shabakadda global Fire Power ku sheegtay in agabka ay heystaan uu guud ahaan gaarayo 316.
Ciidanka badda ee Masar ayaa heysta laba markab oo ah kuwa qaada diyaarada, kuwaas oo ay adag tahay in la helo dal kale oo Afrikaan ah oo heysta.
Waxaa ay xukuumadda Qaahira heysataa oo kale 2 markab oo ah kuwa dagaalka, siddeed gujis oo ah kuwa badda hoosteeda mukhuurta, 45 markab oo ah kuwa kormeera xeebaha iyo 31 maraakiib oo ah nooca badda ku aasa miinooyinka ama burburiya miinooyinka badda lagu aaso.
Milateriga Masar ayaa sanadkiiba waxaa lagu kharash gareeya lacag dhan 3 bilyan oo doolar, waxaana qeyb ahaan lacagtaas bixiya Dowladda Mareykanka.
Ciidanka cirka ee Masar ayaa heysta 215 diyaaradood oo ah nooca dagaalka, 59 diyaaradaha milateriga ee xamuulka qaada ah, 387 oo ah diyaaradaha lagu tababaro cidamada cirka, 294 oo ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaano iyo 81 oo ah helikobtarada wax weerara.
Awoodda milateri ee Itoobiya
Itoobiya oo kamid ah dalalka geeska Afrika ugu awoodda badan ayaa tirada dadka ku nool waddankaas waxa ay gaarayaan 108 milyan oo ruux.
Dadka awoodi kara inay dagaallamaan ayaa lagu qiyaasay 41 milyan oo qof, halka kuwa dagaal geli kara ee hataan u diiwaan gashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ay gaarayaan inta u dhaxeysa 162 kun ilaa 300 oo kun oo askari.
Milateriga dalka Itoobiya ayaa GFP uu kusoo wariyay in uu heysto 400 oo taangiyada dagaalka ah, 114 oo ah baabuurta gaashaaman ee dagaalka, 67 gantaallada dhulka lagu rakibo ee artilariga loo yaqaanno iyo 183 oo ah madaafiicda wax duqeeya.
Ciidamada cirka ee Itoobiya waxaa la sheegaa in ay yihiin kuwa awood badan, marka loo eego kuwa geeska Afrika, waxaana dhawaan ciidankooda ay ku xoojiyeen hannaanka gantaallada difaaca cirka oo ay kasoo iibsadeen dalka Faransiiska.
Diyaaradda dagaalka ee Itoobiya ayaa lagu qiyaasay 24 diyaarad oo ah kuwa miigga loo yaqaanno, 9 diyaarad oo ah kuwa xamuulka qaada, 20 diyaarad oo ah kuwa lagu tababaro ciidamada cirka, 33 diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka iyo 8 noocyadaas ah oo ah kuwa wax duqeeya.
Itoobiya ma lahan wax ciidan bad ah, maadaama aysan lahayn bad.
Qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya ayaa sanadkii hore kusoo warramay in dowladda Faraniiska ay Itoobiya ka caawineyso dib u dhiska ciidanka badda oo la kala diray sannadkii 1991-kii, ka dib markii Eritrea ay ka madaxbanaanaatay Itoobiya, halkaas oo saladhig u ahayd ciidanka badda ee Itoobiya.
Inkastoo Dowladda Itoobiya aysan si rasmi ah u shaacinin halka uu noqonayo saldhigga ciidamadooda badda, haddana sannadihii la soo dhaafay waxaa jiray warar sheegayay in saldhig looga dhigi doono dalalka Eritrea, Jabouti ama Sudan, iyadoo dadka qaarna ay hadal hayeen Soomaaliya.
Wargeyska oo soo xiganaya ilo dowladda ah ayaa sheegay in Itoobiya ay go’aansatay in saldhigga ciidanka badda laga dhiso dalka Jabuuti.
Sida uu wargeyskaas qoray arrintan waxaa lagaga hadlay kulankii ugu dambeeyay ee uu Abiy Axmed ku tagay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Hasayeeshee, wararkaas waxaa beeniyay safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax, oo yiri: “Warkaas waa war jaraa’iddada Itoobiya dhex socda, kuwaas oo sheegaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay saldhig ku yeelanayaan Jabuuti, warkaasi ma ahan war rasmi ah,” ayuu yiri.
Maxamed Idiris Faarax ayaa intaas ku daray: “Ma heyno wax heshiis ah oo labada dowladood ay isla gaareen, haddii ay noqoto in heshiis la gaarana wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, jabuuti iyo Itoobiya”.Isha: BBC Somali