Israel oo Sacuudiga kala hadleysa in la hoos keeno Xajka Falastiiniyiin badan

Bin Salman Netanyahu

Inkasta oo aanu jirin xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Israel iyo Sucuudiga, haddana xiriirka qarsoon ee labada dal ayaa sii kordhayay sannadihii la soo dhaafay iyadoo ay taas sabab u tahay cadaawada labadaan dowladood kala dhaxeyso Iiraan.

Bishii Janaayo ee sanadkaan, Tel-Aviv ayaa fasaxday safarada ganacsi iyo midka diinta ee Boqrtooyada Sacuudi Carabiya kadib dhawr sano oo ay  xannibeen safarro toos ah.

Sarkaal ka tirsan xisbiga Likud ayaa iminka shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, uu eegayo in la hoos keeno maamulka Xajka ee Falastiiniyiinta muslimiinta ah ee ku nool dhulka ay maamuusho Israel, islamarkaana haysta baasaboorka Israel, sida uu daabacday The New Arab oo soo xiganeyso illo wareedyo Falstiin u dhashay.

Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Likud ayaa sidoo kale sheegay in arrintan la gala hadlay Sacuudi Carabiya, islamarkaana hormar laga gaaray, xilli uu soo wanaagsanaanayo xiriirka Israel iyo Boqortooyada Sacuudiga.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay inuu waydiistay Ra’isul wasaare Netanyahu inuu arrintaan suurtageliyo, isagoo adeegsanaya xiriirkiisa Sacuudiga, si Xujaajta Falastiiniyiinta ah ee hoos tagay dowladda Israel ay ugu safraan Saudi Arabia qiimo aad u hooseeya oo ah $ 1,460, halkii ay markii hore ka aheyd $ 8,700 oo ahaa safar lasii marayey Jordan.

Muddo sanado ah, muslimiinta Falastiin ee ku nool Israel, waxay adeegsan jireen waraaqo ku meel gaar ah oo ay soo saartay Jordan si ay ugu safraan Mecca maadama Israel iyo Sacuudiga aysan ogoleyn safar toos ah.

Laakiin dhawaan, iyada oo laga soo horjeedo in xiisadda sare usii kacdo, dowladda Israel waxay go’aansatay in muslimiinta Israel loo ogolaado inay u aadaan Sacuudiga.

Duulimaadyadan tooska ah ayaa la filayaa inay ka baxaan garoonka Diyaaradaha Ben Gurion Airport, wuxuuna noqon doonaa safar isku xirayo Isra’il iyo Jeddah.

Tiro ka mid ah Falastiiniyiinta iyo dhaqdhaqaaqayaasha siyaasadeed ee ka socda dhulalka ay Israel qabsatay 1948 ayaa diiday dadaallada Ra’isul Wasaaraha Israel Benyamin Netanyahu ee ah in duulimaadyada Xajka iyo Cumrada ay si toos ah uga soo qaadaan garoonka diyaaradaha Ben Gurion illaa garoonka Jeddah, iyagoo diidmadooda sabab uga dhigay inaysan noqon buundo lagu gaaro xiriirka Sacuudiga iyo Israel.

Madaxa guddiga xorriyadda, xubinna ka ah guddiga dabagalka guud ee Carabta ee arrimaha Falastiin, Sheikh Kamal Al-Khatib, wuxuu yiri: “Netanyahu kama labalabeeyo inuu adeegsado waxkasta oo u suurta gelinayo inuu kusoo noqdo kursiga, iyo inuu ka baxsado feylasha la xiriira musuqmaasuqa, jebinta kalsoonida, iyo maxkamad uu wajahayo oo sababi karto xabsi.”

Bishii Janaayo, Wasiirka Arimaha Gudaha ee Israel Aryeh Deri ayaa saxiixay amar la mid ah qorshahaan oo u oggolaanaya muwaadiniinta Israel safaradii boqortooyada ee shirarka ganacsiga, baarista maalgashiga iyo sidoo kale Xajka iyo Cumrada.

Riyadh weli ma aysan soo dhaweyn qorshaha Benyamin, wuxuuna Wasiirka Arrimaha Debadda Sacuudiga Amiir Faisal u sheegay CNN inaan weli dadka Reer Israel loo ogolaan inay usoo safraan Dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here