Isra’iil oo duqaysay ciidamo ay Iran taageerto

duqayn israil saldhigiran suuriya

Diyaaradaha nooca dagaalka ee Israa’iil ayaa gantaallo la beegsaday bartilmaameedyo ka ag dhow caasimadda Dimishiq, sida ay shaaciyeen warbaahinta dowladda ee dalkaasi Siiriya.

Wakaaladda wararka ee Sana ayaa sheegtay in qalabka difaaca hawadu uu iska caabbiyey inta badan gantaalladii, laakiin sideed qof ay ku dhaawacmeen duqayntaasi.

Kooxaha korjoogtaynta ayaa sheegay in duqeyntu ay gaadhay goobihii milatariga Suuriya iyo qaar ka mida maleeshiyaadka ay taageerto Iran, halkaasna ay ku dhinteen 12 dagaallame.

Israa’iil wax faahfaahin ah kama bixinin, laakiin waxay qiratay inay boqolaal duqeymo ka fuliyeen Suuriya sannadihii ugu dambeeyay si ay u joojiyaan xoogaysiga awoodda milateri ee Iiran.

.
Image caption.

Iiraan iyo xulafadeeda, oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee Lubnaan, waxay taageerayaan xoogag daacad u ah madaxweyne Bashar al-Assad, kolka la eego dagaalka sokeeye ee waddankaasi ka socda.

Warbaahinta Sana, oo soo xiganaysay ilaha militariga Suuriya ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay kor duulayaan Lubnaan isla markaana ay qabsadeen buuraha Golan, isla mar ahaantaana laba gantaalna ay ku garaaceen koonfurta Suuriya gelinkii hore ee Khamiistii.

.
Dad badan ayaa ku barakacay intii dagaalladaasi socdeen.

Hay’ad u doodda xuquuqda aadamaha ee Suuriya, oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, ayaa sheegtay in duqeyntaasi ay ku dhinteen todobo dagaalyahan oo ajaanib ah, kuna sugnaa aagga Kiswa, oo ah koonfurta Dimishiq, iyo shan xubnood oo Suuriyaan ah oo ka mid ah koox taageersan Iiraan oo iyana ku sugnaa Izra, oo ku taal gobolka Deraa.

Toddobaadyadii la soo dhaafay askarta Suuriya, oo ay taageerayaan maleeshiyaad ay taageeraan Iran iyo Ruushka, ayaa qabsaday tobannaan magaalooyin iyo tuulooyin ah oo ku yaal waqooyi-galbeed ee waddankaasi, oo ah meesha ugu dambeysay ee xoogagga mucaaradka ku ah Madaxweyne Assad ay haysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here