Itoobiya waxa ay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo lagu joojinayo Coronavirus

ethiopia R AbiyAhmed

Dowladda Faderaalka ah ee Ethiopia ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah kadib markii ay diiwaan galisay tiradii ugu badneed kiisaska cudurka coronavirus ee hal maalin gudaheed.

Itoobiya gudeheeda waxa ay diiwaan geliyay sideed kiis Talaadadii iyo seddex Arbacadii, waxaana Dowladu ku dhawaaqday xaalad deg deg ah.

Itoobiya, oo soo bandhigtay kiiskeedii ugu horreeyay 13-kii Maarso, ayaa hadda kiisasku waxa ay marayaan 55 bukaan oo laga helay Covid-19, waxaana la diiwaangelisay laba dhimasho iyo afar soo kabasho ah.

Raiisel wasaare Abiy Ahmed waxa uu ku dhawaaqay xaalada degdega ah si lagu joojinayo faafitaanka cudurka Covid-19 ee bariga afrika. Baaqaasi waxa uu yimid kadib markii golaha wasiirradu ansixiyeen dooda xaalad deg deg ah.

“Marka la tixgaliyo culeyska Covbid-19, dowladda Itoobiya waxa ay soo saartay xaalad deg deg ah,” xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ku sheegay isgaarsiinta rasmiga ah.

Dowladaha dhaca geeska qaarada Afrika ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa dadaal ku bixinaya sidii ay ugu hortagi lahaayeen faafitaanka Xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here