JAMES SWAN IYO LAFTA-GAREEN OO KULAN KU YEESHAY MUQDISHO

james swan iyo laftagareen

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

War ka soo baxay xafiiska James Swan ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda, ammaanka, dib u heshiisiinta iyo xaaladaha bini’aadannimo ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ay ka wada hadleen taageerada farsamo ee doorashooyinka baarlamaanka heer gobol ee Koonfur Galbeed oo dhawaan dhacaya iyo qodobbo kale oo la xiriira arrimaha mudnaanta qaran la siinayo.

Beesha Caalamka ayaa in dhawaale kulamo gaar gaar ah la qaadanayey saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxa ugu weyn oo ay kala hadlayeena waxay ahayd in doorasho lagu mideysan yahay ay Soomaaliya ka dhacdo 2020/2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here