War hada nasoo gaaray waxa uu sheegayaa in Jeneraal Maxamed Nuur Galaal lagu dilay weerarkii shalay galab ka dhacay Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho.
Allaha u naxariistee sarkaalkan ayaa ka mid ahaa dadkii galabta ku jiray Hotelka markii ay gudaha u galeen koox aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo mudo ka dagaalamayey gudaha Hotelka.
Waxaa illa hadda la xaqiijiyey geerida Jeneraal Galaal, Taliyihii ilaalada Hotelka, askari ka tirnaaa ilaalada Hotelka iyo ganacsade Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) iyo dhaawaca Cabdikariin Goobaale oo ah wiil dhalinyaro ah.
Soo afjarida howlagalka waxaa la wareegay booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, Tobanaan qof ayaa laga soo badbaadiyey hotelka markii uu weerarku ka bilowday kadib, illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka gudaha Hotel Afrik.