Jubaland oo dacwad ka dhan ah Itoobiya u gudbisay QM

Axmed Madoobe3

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Qaramada Midoobey waxaa ay u gudbiyeen qoraal Ashtako ah oo ka dhan ah faragelin ay sheegeen in Ciidamo katirsan kuwa Itoobiya oo aan kamid aheyn AMISOM ka wadaan Gobolka Gedo.

Qoraal loo gudbiyey Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya  James Swan kuna saxiixan yahay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac ayaa lagu sheegay in Itoobiya xadgudub ay ka sameysay deegaano katirsan Gobolka Gedo, isla markaana ay khafaalatay guddoomiyeyaasha saddex kamid ah degmooyinka Gobolkaas.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Itoobiya ay dooneyso in Gobolka Gedo in uu ku dhawaaqo in uu ka go’ay Maamulka jubbaland, taasina ay mas’uul ka tahay dowladda Federaalka, waxaana laga digay cawaaqib xumo arrintaasi ka dhalan karta.

Qoraalka Maamulka Jubbaland uu u gudbiyey Maamulka Jubbaland Hoos Ka Akhriso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here