Madaxweynihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii saddexaad loo doortay hoggaanka maamulkaasi, kadib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Axmed Madoobe ayaa ku soo baxay wareega koowaad ee doorashada, isagoona helay 56 cod.
Sidoo kale musharraxa labaad oo aheyd Canab Maxamed Daahir ayaa heshay 17 Cod.
Musharraxa saddexaad oo isna ahaa Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) ayaa isna helay 1 cod, sida uu shaaciyey guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.
Natiijada doorashadan ayaa aheyd mid hore loo sii ogaa inuu ku soo baxayo Axmed Madoobe.
Dhinaca kale doorasho ay qabsadeen musharraxiinta mucaaradka ayaa waxaa ku soo baxay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo isna loo doortay madaxweynaha cusub ee Jubbaland.
Doorashadan oo saacad ku soo gabagabowday ayaa ka dhigeysa in haatan Jubbaland ay leedahay labo madaxweyne.
Beesha caalamka iyo dowladda dhexe ayaa horay uga digay in xiisado hor leh iyo rabshado ay ka dhashaan doorashada maamulkaasi.