Jubaland oo xil ka qaadis ugu hanjabtay maamulka G Gedo ee DF la shaqaynaya

Maxamuud Sayid Aadan

Maamul goboleedka Jubaland ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragelin ku hayso qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo, faragelintaas oo ay sheegeen in ay gadaal ka riixayaan xoogag shisheeye.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ay shaaciyeen in ay Jubaland ka goosteen oo ay haatan toos u hoos tagaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka.

Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka jubaland oo BBC-da la hadlay ayaa beeniyay in ay jiraan ciidamo iyo mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Gedo oo ka goostay maamulkooga.

Haseyeeshe waxa uu sheegay in ciddii culeys lagu saaro in ay Jubaland ka tagto oo ay dowladda federaalka u shaqo tagto ay arrintaasi xor u tahay, waxa uuna intaasi ku daray in mas’uulki ka tirsan maamulkooga ee shaqada ka taga ay isla markiiba booskiisa buuxinayaan oo cid kale ay xilkaasi u dhiibayaan.

Mar wax laga weydiiyay sababta uu u tagi la’yahay deegaannada gobolka Gedo ee Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow oo sheegay in ay ka goosteen maamul goboleedka Jubaland ayaa Maxamuud Sayid Aadan waxa uu sheegay in uu ka baqay in rabshado ay halkaasi ka dhacaan balse dadka ay arrimaha gobolkaasi khuseyso ay wada hadleen.

Waxa uu beeniyay in shacabka degmooyinkaasi qaar ay ku muddaharaadeen oo ay u diideen in degmooyinkaasi uu booqdo.

Xiisadda siyaasadeed ee degmooyinkaasi galbeedka gobolka Gedo ayaa ka dhashay xarig bilo ka hor magaalada Muqdisho loogu geystay wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo ilaa iyo haatan u xiran dowladda federaalka.

Wixii intaa ka dambeeyay waxaa soo baxayay warar ah in ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland oo si toos ah uga amar qaadanayay Cabdirashiid Janan ay markii dambe ku biireen kuwa dowladda dhexe.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa sheegay in maamulkoogu uu soo dhaweynayo cid kastaa oo ku biireysa ciidamada xoogga dalka, balse ciddii ka tirsan maamulka ee meel kale u shaqo tagto ay xilkaasi ka qaadayaan oo ay cid kale u dhiibayaan.

Gedo

Horraantii bishan ayay ahayd markii 210 askari oo ka tirsanaa ciidammada maamulka Jubbaland ee uu fadhigoodu ahaa magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo sida la sheegay ay u goosteen dhinaca dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Ciidanka ka tagay Beledxaawo ayaa go’aankooda ku dhawaaqay ka dib markii ay gaareen magaalada Luuq.

Maxamed Cabdi Muuddeey oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada sheegay in ay goosteen ayaa BBC-da u sheegay in tallabada ay qaadeen uu sabab u ahaa “isfaham waa dhex maray iyaga iyo maamulka”.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo jiitamayay tan iyo markii dib loo soo doortay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmad Madoobe), doorashadaasi oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in aysan aqoonsanayn.

Dib u doorashada Axmed waxaa gaashaanka u daruurtay wasaaradda arrimaha gudaha ee heerka federaalka, waxaana sidoo kale ka biyo diiday labo hoggaamiye siyaasadeed oo gobolkaas ka soo jeeda, kuwaasoo iskood ugu dhawaaqay inay madaxweyneyaal ka yihiin Jubbaland.

Khilaafkan ayaa dhinaca kale wiiqay xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, balse labada dhinac ayaa dhawaan ka heshiiyay arrimo qaar ah si loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay ku kala tageen sababo la xiriira arrimaha dacwadda badda iyo tan Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here