Waxaa dhawaan la magacaabay gudoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan, kadib markii muddo saddex sano ah ay isku khilaafsanaayeen ganacsatada waaweyn ee gobolka Banaadir kuwaas oo isku heystay cidda qabaneysa xilkaas.
Masuuliyiin sare-sare oo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa isku dayay iney khilaafkaan xaliyaan, waxeyna ganacsatda ka codsadeen iney xal la yimaadaam, kuna buuxiyaan booska banaan hanaan ay heshiis ku yahiin.
Qaar ka mid ah ganacsada Soomaalida oo la hadlay VOA-da ayaa xaqiijiyay iney Al-Shabaab u yeereen ganacsatadii is hayay waxyar kadib markii ay dowladda ka codsatay ganacsatada iney booskaan kusoo heshiiyaan.
Sida ay sheegtay xogta VOA, waxaa la isugu tagay meel ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose. Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa ka cudur daartay iney tagaan halka qaar kalana ay wakiilo dirsadeen. Muddo laba cisho ah oo ay halkaas joogeen, dood iyo wadahadal dheer kadib, waxaa loo sheegay iney aqbalaan in Axmed Cabdullaahi Xasan uu yahay gudoomiyaha rugta Ganacsiga.
Ganacsatadii arrintaan uga waramay VOA-da ayaa bixiyay xogo isku mid ah, balse waxey qabeen kaliya cabsi badan oo dhanka amaankooda ah.
Mid ka mid ah ganacsatada oo la hadlay VOA, balse codkiisa la beddelay, ayaa sheegay in qaar ka mid ah ganacsatada ay u dacwoodeen Al-Shabaab, iyagoo ku andacoonaya in qaar ka mid ah shaqsiyaadka ay wax kala dhaxeeyaan kaliya hadalkooda ay dowladda tixgalineyso.
Sidoo kale wuxuu qofka hadlay sheegay in markii la dhageystay dooda ay Al-Shabaab go’aansadeen qof ay iyaga wataan iney xilka u magacaabaan, sidaas darteed labadii qolo ee is dacweysay ay ku qasbanaadeen iney aqbalaan go’aanka, waxaa intaas dheer in gudoomiyaha cusub uu hadda ku shaqeynayo xafiiskiisa.
17-kii December 2019 ayey aheyd markii gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed uu ku dhawaaqay inuu magacaabay gudoomiyaha cusub rugta ganacsiga ee gobolka Banaadir.
Maxamud Cabdikariim Gabeyre, oo ah gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed, oo la hadlay VOA, ayaa beeniyey in Al-Shabaab ay u yeeriyeen magacaabista, wuxuuna carabka ku adkeeyay iney arrintu tahay mid ay kasoo shaqeeyeen.
Mr. Gabeyre wuxuu qiray in gudoonka ay dhiseen uu ka kooban yahay lix xubnood, isla markaana aysan jirin wax ay u yeeriyeen Al-Shabaab, wuxuuna sharaxay iney wax badan ka shaqeeyeen maadaama booska uu banaanaa tan iyo markii uu geeriyooday Cabdirashiid Shire Ilqeyte.
Sidoo kale, gudoomiyaha wuxuu ka dhawaajiyay in guddoonka ay magacaabeen ay heyn doonaan xilka muddo laba sanadood ah, kadibna doorasho loo gali doono booskaas.
Gabeyre wuxuu u sheegay in dad, uu ugu yeeray iney magac xumeynayaan ganacsiga Soomaalida, ay qaadeen tallaabada ay kaga been sheegayaan arrimaha la xiriira rugta ganacsiga.
Arrintan waxey kusoo aadeysaa xilli laga warqabo in Al-Shabaab ay galaangal fiican ku leeyahiin ganacsiga Soomaalida, sidoo kalana awood u heystaan iney canshuuraan.
Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa ka walaacsan saameynta ay Al-Shabaab ku yeelan karaan ganacsiga Soomaalida.
Gabeyre, oo su’aal laga weydiiyay hadii loo dhamaa magacaabista ay sameeyaan, wuxuu si dadban u qiray ineysan jirin arrin loo dhan yahay, balse wuxuu qiray in sida ugu badan ganacsatada ay isku raaceen gudoonka cusub, isla markaana muddo lix bilood ah la gorfeynayay.
Warbixintaan ay sameysay VOA-da waxaa lagu sheegay in ganacsiga qaarkiis ay u xiran yahiin dad gaar ah, isla markaana aysan qof kale ka ganacsan karin, hadii la isku dayana loo dacwo tago Al-Shabaab. Mid ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir oo sababo amaan magaciisa loo qariyay ayaa sharaxay sidey wax u jiraan.
Ganacsadaha la wareestay wuxuu ku dooday in ganacsiyada qaar ay dad u xiran yahiin, hadii la dareemo iney shirkadaada sare u kac sameysana aad la kulmi karto in lagu dacweeyo. Sidoo kale wuxuu sheegay in gudoomiyaha la doortay uusan aheyn shaqsi ku dhaqmay ganacsiga Soomaaliya ama aad aqoon ugu leh, inkastoo uu sheegay inuu dhanka ka ganacsiga gawaarida kasoo galay.
Axmed Cabdullaahi Xasan, oo isna la hadlay VOA-da, ayaa beeniyay in magacaabistiisa ay lug u leedahay Al-Shabaab, sidoo kalana uu muddo ku dhaw rubuc qarni ku jiro ganacsiga Soomaalida. Wuxuu sidoo kale wuxuu dafiray inuu ku lug leeyahay kaliya ka ganacsiga gawaarida.
Wuxuu aaminsan yahay inuu howsha loo idmaday, sida ugu wanaagsan u qaban karo, waxaana intaas dheer inuu sidoo kale iska fogeeyay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka Al-Shabaab u sahlay iney canshuur kusoo rogaan ganacsatada wax kala soo dagta dekedda Muqdisho.
Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo ay u direen VOA-da ku sheegay ineysan waxba kala socon magacaabista dooda laga keenay ee lagu doortay gudoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir, sidoo kale Wasiirka Ganacsiga ayaa diiday in laga wareysto arrimahaan.
Taliyihii hore Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sambaloolshe, oo ah qof aad ugu xeel dheer ka hadalka amaank,a ayaa qiray in Al-Shabaab ay ugu suuragashay iney la falgalaan hay’adaha dowladda iyo kuwa bulshada rayidka ah, maadaama aysan jirin dagaal ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM kula jiraan Al-Shabaab, marka laga reebo duqeymaha cirka ah ee mar mar lagu weeraro.
Sambaloolshe ayaa intaas ku daray in bulshadu ka daaleen isku xir la’aanta hay’adaha dowladda iyo Bulshada, wuxuuna dhaliilo badan usoo jeediyay hay’adaha ku shaqada leh.
Dhawaan ayey aheyd markii gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish uu la kulmay gudoomiyaha cusub ee rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan.
Mr. Filish wuxuu diiday inuu beeniyo ama rumeeyo wararka tilmaamaya in Al-Shabaab ay doorteen qofka loo magacaabay gudoonka sare ee rugta ganacsiga gobolka, wuxuuna ka dhawaajiyay in hay’adaha ku shaqada leh ay u taallo.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aaminsan in Al-Shabaab ay ka gudbeen marxaladoodii u dagaalanka diinta isla markaana ay u xuubsiibteen iney dhaqaalo sameeyaan.
Iney la falgalayaan ganacsiga waxey tilmaameysaa jihada ay u socdaan, iyadoo la aaminsan yahay iney jirto xagal fiican oo dadka la tusi karo taasoo ah ineysan heli doonin dhalinyaro ay mar kale qaab dagaal u abaabulaan kuna dagaalama magacooda.