Kenya oo dhaqaalo daro ka dhaxashay khilaafka muranka Badda

kenya iyo somalia map

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in uu hoos u dhac weyn ku yimid Qaadkii ay u dhoofin jirtay Soomaaliya kaddib xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay Badda Soomaaliya ee ay dooneyso Kenya.

Bangiga dhexe ee dalka Kenya ayaa sheegay in lacagihii ka soo geli jiray Qaadka loo dhoofiyo Soomaaliya ay aad hoos ugu dhaceen islamarkaana marayaan halkii ugu hooseysay muddo 10 Sano ah.

Kimathi Munjuri, oo ah Guddoomiyaha Ururrada Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa sheegay in labo arrimood ay sabab u tahay hoos u dhaca Qaadkii ay dhoofsan jirtay Soomaaliya.

Midda 1aad waxaa uu ku sheegay khilaafka u dhaxeeya labada dal ee dhinaca Badda isaga oo sheegay in subaxyada qaar Ganacsatada Soomaaliya ay ku wargelinayaan iyaga in aysan dooneyn Qaad guud ahaan sidaasna lagu khasaarayo maalintaas.

Waxaa kale oo uu sheegay in Abaarta ku dhufatay Kenya sidoo kale hoos u dhigtay wax soosaarka Qaadka inta yar ee la soo saarana suuqyada ku xunyihiin.

Kimathi Munjuri ayaa Dowladda Kenya ka codsaday in ay suuqyo cusub uga raadiyo Israel, Jabuuti iyo Mozambique.

Soomaaliya ayaa maalintii Kenya ka qaadan jirtay 50 tan oo Qaad ah kuwaas oo ka dega Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Hargeysa, Laascaanood, Baydhaba iyo magaalooyin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here