Kenya oo jawaab ka bixisay go’aankii lagu diiday qorshaheedii qaraarka 1267

somalia kenya flag

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixisay go’aankii ay Qaramada Midoobay ku diiday dalabkii Dowladda Kenya oo ahaa in ururka Al-Shabaab lagu diro qaraarka 1267.

Dowladda Kenya ayaa muujisay sida ay uga xuntahay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ay ku joojiyeen inay cunaqabateyn adag ku soo rogaan kooxda xagjirka ah ee Soomaaliya ee Al Shabaab.

Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha Dibada Dowladda Kenya Macharia Kamau ayaa EastAfrican u sheegay in uu aad uga xunyahay in wadamada sida aadka ah ay u sameeyeen Al Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah aysan taageerin soojeedinta Kenya.

“Waan ka xunahay go’aanka kasoo baxay Qaramada Midoobay, sababtoo ah macquul ah in dowlad ka tirsan Qaramada Midoobay oo muwaadiniinteeda ku weysay weerarada Al-Shabaab ay diido tallaabooyinka laga qaadayo Ururkaan foosha xun” ayuu dhahay Macharia Kamau.

“Waxaan Qaramada Midoobay ka rajeeneynaa inay arrintaan siiso dareen gaar ah sidii loola dagaalami lahaa ururada xagjirka ah sida Al-Shabaab oo Kenya iyo Soomaaliya ku dishay boqolaal qof oo aan waxba galabsan” ayuu sii raaciyey.

Hadalka kasoo yeeray Kenya ayaa imaanayo xilli ay Qaramada Midoobay codeyn ku diiday soo jeedinta Dowladda Kenya.

Kenya ayaa dooneysay in ururka Al-Shabaab lagu diro qaraarka 1267, si ay taas uga faa’iideysato inay cunqabateyn ku saarto Soomaaliya, islamarkaana ku beegsato hantida ganacsatada iyo shirkadaha Soomaaliyeed, iyo sidoo kale shaqsiyaadkii ay doonto.

Qaraarkan oo golaha ammaanka uu ansixiyey 15-kii October ee sanaddii 1999-kii ayaa diidaya in wax gargaar ah la gaarsiiyo deegaanada ay maamulaan koox kasta oo qaraarkan lagu daro, taasi oo haddii ay dhici lahayd diidi lahayd in dad badan oo ku dhibaateysan deegaanda ay maamulaan Al-Shabaab gargaar la gaarsiiyo.

In Al-Shabaab lagu daro qaraarkan ayaa waxaa diiday lix ka mid ah 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka, oo laba ka mid ah ay yihiin xubnaha joogtada ah.

Dalalka diiday ayaa kala ah: USA, France, Belgium, Germany, Poland iyo Kuwait.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here