Kenya oo ka welwelsan hawlgalka Ciidanka Xoogga dalka ee Shabeelooyinka

danab kumandoos2

Hawlgalka Ciidanka Xoogga dalka ee Shabeelooyinka ayaa walaac iyo baqdin ku abuuray Kenya. Walaaca kenya ayaa ku qotoma laba qodob

1: In firxadka Alshabaab loo soo riixayo aagga “sector 2” oo ah deegaanadda ay joogaan ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM, iyo sidoo kale in Alshabaab uu firxadkooda galo gudaha kenya taas oo aan u saamixi doonin inay iska sii harsadaan Jubbada Hoose.

2: In Ciidanka Dawladdu ay usoo ruqaansadaan Jubbada Dhexe, si loo wiiqo awood sheegashada Axmed Madoobe iyo siyaasadda Kenya ee ah inay helaan maamul-goboleed hayin ​u ah.

Si kasteba ha ahaatee hawlgalka Ciidanka xoogga dalka ayaa baqdin ku abuuray cadawga Soomaaliya.

Jamhuriyadda.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here