Kenya oo welwelsan loolanka adag oo ay Jabuuti kala kulantay

Jabuuti Kenya flag

Kenya waa musharaxa rasmiga ah ee midowga Afrika ee kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka QM, hase yeeshee taasi Jabuuti kama joojin inay loolan adag u gasho kursigan.

Kenya waxay markii hore rumeysneyd inaysan Jabuuti kala kulmi doonin loolan adag, oo ay kursigan hanan doonto bisha June ee 2020, marka ay dhacdo codbixinta.

Hase yeeshee, sida uu qoray wargeyska Business Daily Africa, dadaallo diblomaasiyeed oo xooggan oo bilihii dhowaa ay wadday Jabuuti, ayaa taxliiliyayaasha siyaasadda ee Kenya ku dhaliyey tuhun ku saabsan in Jabuuti ay isku haleeneyso taageerada dalalka ugu saameynta badan golaha ammaanka.

Prof Macharia Munene, oo taariikhda ka dhiga Jaamacadda caalamiga ah ee Mareykanka ee Afrika (USIU-A), ayaa sheegay in Shiinaha iyo Mareykanka ay yihiin laba dal oo si hoose u taageeraya dadaalalda Jabuuti.

Dowladda Mareykanka weli kuma aysan dhowaaqin go’aankeeda ku aaddan cidda ay taageereyso Jabuuti iyo Kenya.

“Waxaan rumeysanahay in Beijing iyo Washington ay kursiga ku fariisin karaa cidda ay doonaan,” ayuu yiri Prof Munene, oo intaas ku daray in tallaabada noocaas ah ay ku iman karto dalka juqraafi ahaan ay muhiimka u arkaan.

Fallanqeeyayaasha ayaa tilmaamay in saldhigga militari ee China ay ku leedahay Jabuuti uu calaamad u yahay cidda ah muhiimadda juqraafi ee Beijing.

Mareykanka iyo France iyo sidoo kale saldhigyo militari ku leh Jabuuti.

Saddexdan dal ayaa ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka, waxayna gebigood dano ka leeyihiin ahmiyadna u leh Jabuuti, taasi oo taageeradooda u weecin karta Jabuuti.

Kenya ayaa sidoo kale xiriir wanaagsan la leh dalalkan, hase yeeshee uma lahan muhiimad la mid ah tan Jabuuti.

Warbixinta ayaa tiri, haddii Kenya aysan ka hor codbixinta xaqiijin taageerada Mareykanka iyo China, ayadoo Faransiiska uu taageerayo Jabuuti, waxay la kulmi doontaa lama filaan marka doorashadu dhacdo bisha June ee 2020, kumana filna oo kaliya taageerada Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here