Haweeneydi u doonaneyd wariyihi Sacuudiga ee la dilay Jamaal Khaashuqji ayaa sheegtay: “Iney cidna xaq u lahayn iney cafiso dilaaga”, kaddib marki uu wiil uu Khaashuqji dhalay sheegay iney dilaaga aabbahood ay cafiyeen.
Hatice Cengiz oo u dhalatay dalka Turkiga ayaa barteeda Twiitarka ku qortay “Dilkii foosha xumaa ma jiro sharci looga qiil bixiyo”.
Khaashuqji oo si weyn u dhaleeceyn jiray dowladda Sacuudiga ayaa 2018-kii lagu dilay gudaha qunsuliyadda Istaanbuul uu Sacuudiga ku leeyahay.
Saraakiisha Sacuudiga waxay sheegeen “dilka aan damiirka lahayn” iney dowladdooda wax shaqa ah ku laheen. Hase yeeshee, hadalka Sacuudiga waxaa su’aal geliyey caalamka oo dhan.
Khaashuqji ayaa maqaallo ku qori jiray wargeyska Washington Post isaga oo geeridiisa ka hor ku noolaa dalka Mareykanka.
Marki la waayey Khaashuqji kaddib, waxay madaxda Sacuudigu sheegeen, iney Khaashuqji ay dilka u geysteen koox loo abaabulay iney Khaashuqji Sacuudiga ku soo celiyaan.
2019-kii bishi December, maxkamad ku taallo Sacuudiga ayaa shan qof oo aan magacdooda la shaacinin ku ridday xukun dil ah iyada oo raggaasi ay maxkamadda ku eedeysay iney door ku lahaayeen dilka loo geystay Khaashuqji.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha Agnes Callamard, waxay xukunka maxkamadeed ee dilkaasi ku tilmaantay “mid caddaaladda liddi ku ah” iyada oo ku baaqday baaritaan madax bannaan in la sameeyo.
Maxay tiri haweeneydi u doonaneyd Khaashuqji?
Jimcihi, waxay Hatice Cengiz boggeeda Twitterka ay ku qortay Jamaal Khaashuqji “inuu yahay qof astaan u ah caalamka oo dhammaanteen naga sumcad badan, laguna faano lana jecel yahay.”
Ms Cengiz waxay intaasi ku dartay “Jamaal in lagu dhex dilay qunsuliyadda dalkiisa xilli uu dukumanti guurkannaga ku saabsan uu u doonta, Dadka dilayna waxay ka yimaaddeen Sacuudiga si ay u khaarijiyaan.”
Frank Gardner oo faallooda arrimaha ammaanka wuxuu sheegay, sheekada iney gadaaman yihiin laba arrimood oo iska hor imanaya.
Midda koobaad, waa wararka ay sida weyn isula dhex marayaan warbaahinta dowladda Sacuudiga, oo ay ku sheegayaan qoyska Khaashuqji iney dilaaga ay cafiyeen. Iyada oo la sheegay inuu cafiska qoyska uu ku dhawaaqay Salah oo ah wiil uu dhalay Khaashuqji, ee la duubay isaga oo uu u tacsiyeynayo dhaxlasuagaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan oo looga shaki qabo inuu dilka Khaashuqji uu ka dambeeyey.
Balse Salah ayaa weli ku nool Sacuudi Carabiya, sidaa darteed cafiska uu dilka aabbihii ka fidiyey ayaa shaki laga muujiyey.
Sida ay uga hortmid gabadhi u doonneyd Khaashuqji iyo Wakiilka qaramada midoobay codsiga ay soo jeedisay ee ah in baaritaan madax bannaan dilkan lagu sameeyo inuu Sacuudiga wax qarinayo. Waxayna aaminsan yihiin weli in dilka Khaashuqji loo baahan yahay inuu caddaalad helo.
Warbaahinta Sacuudigana waxay ahimiyad gaar ah siiyaan oo dilka Khaashuqji uga muhiimsan cudurka safmarka ee ka coronavirus ee dalkaasi ka dillaacay iyo dakhliga saliidda ka soo galayey ee hoos u dhacay.
Wiilka uu dhalay Kaashuqji muxuu yiri?
Mar sii horreysay, wiil uu dhalay saxafigii la dilay ee Sucuudiga u dhashay Jamaal Khashuqji ayaa sheegay inay cafiyeen dadkii ka dambeeyay dilka aabihiis.
Saalax oo ku nool magaalada Jiddah, wuxuu barta Twitter-ka ku soo qoray sidatan ” Xilli lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxaan xusuusannay hadalka Alle ee ah, haddii qofka uu cafiyo walaalkiis, doorbidana dib u heshiisiin, Ilaahey ayaa abaal marin doonaa”
“Haddii aan nahay wiilasha Jamal Khashuqji waxaan shaaca ka qaadeynaa in aan cafinnay kuwo dilay aabahee si ilaahey uu abaal marin inoogu baddalo.”
Xukunka dilka ayaa lagu cafiyaa cafiska qoyska sida ay dhigeyso shareecada islaamka, balse waxaan caddeyn iney taasi kiisakan quseyso iyo inkale.
Salah wuxuu sida oo kale uu horay u sheegay qoraal uu ku sheegayo inuu taageerayo isla-markaana uu ku kalsoon yahay baaritaanka uu Sacuudigu wado.
Wuxuu sida oo kale horay u cambaareeyey waxa uu ku sheegay “mucaaradka iyo cadowga” Sacuudiga isaga oo sheegay in dilka aabbihii la doonayo in lagu wiiqo hoggaanka dalkaasi.
Sanadki horana wargeyska Washington Post wuxuu qoray qoyska Khaashuqji iney magdhaw isugu jira guri iyo lacag ay ka guddoomeen boqortooyada Sacuudiga.
Balse Saalah Khaashuqji oo ah curadka Khaashuqji, oo ah ninka keli ah ee qoyska Khashuqji ka jooga Sacuudi Carabiya sida uu wargeysku qoray.
Jamaal Khaashuqji maxaa ku dhacay?
Wariye Jamaal Khaashuqji wuxuu musaafiris iskii ah uu tani iyo 2017-kii ugu maqnaa dalka Mareykanka, ilaa uu 2-dii Oktoobar ee 2018-ka uu qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul uu u soo doontay dukumantiyo uu u baahnaa oo lagu xiray guurka gabadhi u doonneyd Hatice Cengiz.
Baarayaasha dilkaasi waxay aaminsan yihiin in la dilay jirkiisana la baab’iyey xilli ay gabadha u dooneyd dibadda ku sugeysay, iyada oo dilkiisa iyo sida uuu dhacay oo dhan la qariyey.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga waxay in mudda ah ku doodayeen inuu dhismaha qunsuliyadda uu ka baxay isaga oo nabad qaba iyaga oo marar badan bedbeddelay hadallada ka soo baxaya Sacuudiga toddobaadyo kaddib marki Khaashuqji la waayey.
Faahfaahinnada ka soo baxaya dilka Khaashuqji loo geystay caalamka oo dhan ayaa la anfariiray iyada oo madaxda ugu sarreysa Sacuudiga oo uu dhaxal sugaha boqortooyada ka mid yahay dilka lala xiriiriyey.
Balse dhaxal suagaha boqortooyada wuu dafiray dilka inuu ka dambeeyey, isaga oo sheegay inuu mas’uuliyadda dilka uu dusha saaranayo ka mas’uul Sacuudi Carabiya ahaan, gaar ahaanna marki dadka dilka lagu tuhmayo ay noqdeen kuwa u shaqeeya dowladda Sacuudiga”.