Kumanaan dibadbaxayaal ah oo lagu xirxiray Hindiya

india police

Tobnaan kun oo dibadbaxayaal ah oo ku kala sugan gudaha Hindiya ayaa jebiyay amarkii dowladda ee ahaa inaysan dibadbaxyo sameyn, iyagoo ka cabanaya sharciga cusub ee dhalashada ee lagu muransan yahay. Booliiska ayaa xirxiray arday iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha. Kumannaan booliis ah ayaa lagu daad gureeyay magaalada caasimadda ah ee Delhi, halkaasoo ay dhowr meelood ka socdaan dibadbaxyada.

Adeegyada isgaarsiinta ayaa laga joojiyay qeybo ka mid ah magaalada Delhi, gaar ahaanna meelaha ay ka socdaan dibadbaxyada oo qaarkood ay rabshado wataan.

Sharciga cusub ayaa dhalashada Hindiya siinaya muhaajiriinta sharci darrada ah ee aanan Muslimiinta ahayn, kuwaasoo ka yimid dalalka Pakistan, Bangladesh iyo Afghanistan.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Ramachandra Guha, oo ah taariikh yahan caan ah kaasoo dowladda Hindiya mucaarad ku ah.

Sharcigan ayaa aad loogu kala qeybsamay gudaha India.

Dowladda federaalka ah, ee uu hoggaamiyo xisbiga (BJP), ayaa sheegtay in sharcigan uu dadka ka badbaadinayo in waxyeello loo geysto, balse dadka mucaaradsan ayaa sheegay inuu qeyb ka yahay hindisaha dowladda ee hoos loogu dhigayo in ka badan 200 oo Mulsimiin ah oo Hindiya ku nool.

Madaxa booliiska gobolka Uttar Pradesh, OP Singh, ayaa ka codsaday inaysan dibadbaxyo sameyn.

Balse bannaan baxyada ayaa ka socday gobollada Uttar Pradesh, Bangalore, Hyderabad, Patna, Chandigarh, Mumbai, Delhi iyo magaalooyin kale – ururrada bulshada rayidka, axsaabta siyaasadeed, ardayda iyo dadka caadiga ah ayaa baraha bulshada dadka ugu baaqayay inay ka soo qeyb galaan dibadbaxyada.

Booliiska ayaa sidoo kale jidgooyo dhigay waddada weyn ee isku xirta Delhi iyo magaalada Jaipur iyagoo baaraya dhammaan gawaarida galaya caasimadda.

Dadka la sheegay in dhalashada Hindiya la siinayo ayaa haysta diimaha – Hindu, Sikh, Buddhism, Jainis, Parsis iyo Christian.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here