Kursiga ay isku hayaan Somalia, Kenya iyo Jabuuti oo ay suurta-gal tahay in laga dhex bixiyo

ururka igad

Kulan madaxeedka caadiga ah ee urur goboleedka IGAD ayaa markii ugu horreysay muddo 10 sano ah, berri ka dhacaya magaalada Addis-Ababa xilli qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah uu ka dhaxeeyo khilaaf xooggan.

Kulankan ayaa lagu go’aamin doonaa cidda noqon doonta guddoomiyaha cusub ee ururka. Waxaa sidoo kale si rasmi ah loogu xaqiijin doonaa xogahayaha cusub ee ururka oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Itoobiya, Workneh Gebeyehu.

Hase yeeshee khilaaf u dhaxeeya Jabuuti iyo Kenya ayaa hoggaamin kara in labadooda iyo Soomaaliya-ba ay ku waayaan in madaxdooda ay beddelaan guddoomiyaha xilka ka degaya ee Abiy Ahmed.

Wargeyska Daily Nation ayaa ilo-wareedyo diblomaasiyeed kasoo xigtay in Soomaaliya iyo Jabuuti oo kasoo horjeeda in hoggaanka ururka ay qabato Kenya, ay diideen inay mowqifkooda beddelaan.

Sida ay sheegeen diblomaasiyiinta xogtan bixiyey, waxaa sidaas darteed suurta-gal ah in saddexda dalba ay waayaan xilkan, loona doorto dal kale.

“Kursiga wuxuu aadi karaa Uganda ama Sudan” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Daily Nation, oo sheegay in tallabaadaas loo qaadi karo si looga fogaado isku dhac.

Kenya ayaa Jabuuti dhowaan kaga adkaatay helidda taageerada Ururka Midowga Afrika, oo ayiday musharaxnimada Kenya ee kursiga Golaha Ammaanka QM.

Hase yeeshee Jabuuti ayaa diiday inay ka harto loolanka, waxayna Midowga Afrika ku eedeysay inaysan codeyntii ay Kenya ku adkaatay u marin nidaamkii saxda ahaa.

Soomaaliya, oo taageero u muujisay Jabuuti, ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin ka dhan ah Nairobi.

Muqdisho iyo Nairobi ayaa waxaa ka dhaxeeya xiisad ka dhalatay muran badeed, oo hadda ay u fadhiso maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ICJ.

IGAD ayaa ka cabsi qabta in hadi kursiga la siiyo Kenya, ayada oo ay diidan yihiin Soomaaliya iyo Jabuuti, ay xiisad hor leh kasii dhex abuuri karto ururka, waana taas sababta ay macquulka u tahay in dal aan saddexdaba ahayn la siiyo.

1 COMMENT

  1. kenya inay hesho baan raba beerkana laga laado somalia iyo jabuuti illeen waxay tarayaan oo ay yihiinba waa iska yar tahay.

    jabuuti waxa bedaalkeeda imanaya somaliland oo saaxada ka saari haday edeb yeelan waydo oo af xumada joojin waydo.

    horaa loo yidhi waxaan ku khusayn faraha ha iskula galin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here