Kusimaha Madaxweynaha oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay

james swan iyo mursal

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo la xiriira shuruucda hortaala baarlamaanka gaar ahaan kuwa la xiriira doorashooyinka.

Waxyaabaha ay aadka uga hadleen waxaa mid ah arrimaha dib u eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa iyo sidoo kale sharciyada muhiimka ay tahay in la meel mariyo.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wakiilka xoghayaha guud ayaa inta kulanka uu socday isla soo hadal qaaday xoojint xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada midoobay.

Ku simaha madaxweynaha uu James Swan uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo sida ay muhiim u tahay in Qaramada Midoobay ay dar dar geliso taageerada kala duwan ee ay siiso baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here