Laascaanood: Ninkii Ciidamada booliiska Somaliland dileen oo aan weli meydkisii la aasin

lasanod

Alle how naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Faarax (Soo Madow) oo habeen hore Ciidamada Booliiska Somaliland ay ku dileen Magaalada Laascaanood ayaan weli meydkiisii la aasin, kadib markii beeshiisu ay dalbatay in loo keeno askarigii xabada ku dhuftay.

Meydka Soo Madow ayaa habeenkii labaad qaboojiyaha u hoyday, halkaas oo la sheegay in lagu hayn doono ilaa laga keenayo cidii toogatay, iyadoo la sheegayo in masuuliyiinta Somaliland ay 24 saac ee ina soo dhaafay ku guuldareysteen inay beesha ku qanciyaan aaska marxuumka.

Ilaa hadda ma kala cadda in beeshu ka tanaasuli doonto iyo inay ku adkaysan doonto haynta meydka marxuumka, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda xooga la saaro si loo qanciyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here