M Farmaajo oo kulan isugu yeeray Xisbiyada Siyaasadda ee heysta Shahaadada KMG

farmaajo2

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda kulan la yeelan doona Xisbiyada Siyaasada ee heysta shahaadada KMG.

Sida wararku sheegayaan kulankan ayaa noqon doona kii u horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo la qaato Inta badan Xisbiyada siyaasadda ee dhowaan uu diiwaan geliyay Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka.

Farriimo laga diray Madaxtooyada ayaa lagu wargeliyay Xisbiyada Siyaasadda inay isugu yimaadaan kulan uu Madaxweyne Farmaajo la qaadan doono, kaasoo dhici doona subaxnimada hore ee Sabtida

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu kala hadli doona Xisbiyadan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka oo dowladda Federaalka dooneyso in la qaato nidaamka doorasho ee qof iyo cod ah.

Xisbiyada la filayo inay kulanka ka muuqan doonaan ayaa waxaa ka mid ah Xisbiyo lagu tiriyo inay u janjeeraan dhanka dowladda oo muddooyinkii u dambeeyay taageero u hayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here