Maamulka Galmudug oo eedeyn iyo digniin culus u diray Puntland

taardhuleed

Afhayeenka Cusub ee Maamulka Galmudug  Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa madaxdii hore ee Ahlu Sunna ee looga adkaaday dagaalkii Dhuusamareeb ku eedeeyey inay ahaayeen Shaqsiyaad dano gaar ah leh oo aan laheyn wax hadaf ah

Taardhuleed ayaa Shacabka Galmudug ugu baaqay inay la qabsadaan nidaamka cusub ee ka dhashay Galmudug isla markaasna ay iska iloobaan maamulkii hore ee Ahlu Sunna si loo gaaro horumarka Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ayaa ku hanjabay inaysan aqbali doonin wax banaanbax ah ama waxyaabo keeni karo ammni darro balse wuxuu sheegay inay dadka Shacabka ah u madax banaan yihiin cidda ay taageerayaan.

Mar uu ka hadlayey hadal heynta ku saabsan in ka bixintaanka madaxda Ahlu Sunna ee Dhuusamareeb uu keeni karo inay Al-Shabaab weeraro kusoo qaadaan ayuu sheegay in weli ciidamada ku sugan Dhuusamareeb illaa Matabaan ay yihiin kuwii Ahlu Sunna.

“Waxaan idaacadaha ka maqlay haddii ay Hoggaankii Ahlu Sunna meesha ka baxeen in Shabaab imaanayaan, waxaas wax la aqbali karo ma ahan, waxaana idiin sheegayaan in dhammaan Ciidamada Jooga Galmudug illaa Matabaan ay yihiin Ahlu Sunna, dadkana laga doonayo inay iyaga tashadaan” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhanka kale, Afhayeenka  Galmudug oo ka hadlayey tagitaankii madaxda Ahlu Sunna ee Magaalada Garoowe ayaa sheegay inuusan isaga ka xumeyn soo dhaweyntii loo sameeyey hoggaanka Ahlu Sunna balse wuxuu tilmaamay in Puntland aysan marnaba raali ka aheyn dhismaha Galmudug loo dhan yahay sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn, wuxuu uga digay Puntland inay faragelin ku sameyso Arrimaha Galmudug, isaga oo sheegay haddii ay joojin waayaan ay dadka Reer Galmudug Puntland ka tashan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here