Madasha Xisbiyada Qaran oo iska dhalisay gool siyaasadeed

xasan iyo shiikh shariif

Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in dib loo dhigay shirweynihii la qorsheeyey ee ujeedkiisu ahaa in lixda xisbi ee ku bahoobay Madashu ay ku noqdaan hal xisbi oo leh hal ujeeddo siyaasadeed.

Qoraal kasoo baxay Madasha ayaa lagu yiri “Madashu waxay ku wargelinaysaa umadda Soomaaliyeed in, iyadoo la tixgelinayo duruufaha ka jira dalka ee ku aaddan caabuqa COVID 19 dartood, in dib loo dhigay shirweynihii ay isugu imaan lahaayeen hoggaanka lixda xisbi si loo dhammaystiro howsha xisbiga.”

Inkasta oo la fahmi karo go’aanka Madasha, maadaama ay adag tahay in xilligan dad ay meel isgu yimaadaan, haddana Madasha waxa ay sameysay ayaa ah, inay iska dhalisay gool siyaasadeed otareeto ah, ayada oo wixii ay ku eedeyneysay dowladda ku dhaqaaqday.

Qoraal kasoo baxay Madasha 4-tii April ayaa lagu yiri “Doorashooyinka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waa inay ku dhacaan xilligii loo asteeyay, waana inaysan dhicin wax mudo kordhin ah. Doorashooyinku waa inay noqdaan kuwo xor iyo xalaal ah kuna dhaca si daahfurnaan leh.”

Haddii Madashu ay maanta qirtay in xaaladda jirta darteed ee ka dhalatay Coronavirus aanay shir qabin karin, maxaa diidaya in dowladda iyana sidaas oo kale ay dib ugu dhigto doorashada.

Inkasta oo weli waqti uu jiro, lagana yaabo in ka hor xilliga doorashada laga gudbo xaaladda Coronavirus, haddana uma muuqato sidaas, sababtoo ah muddo xileedka baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan 6 bilood, islamarkaana xaaladda Coronavirus ee Soomaaliya waa midda hadda un bilow ah.

Haddii Madasha ku adkeysan lahayd in wax kasta oo dhaca ay qasab tahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto, waxay maanta fureen albaabkii ay dowladda dib ugu dhigi lahayd doorashada haddiiba ay sidaas damacsaneyd markii hore.

Si kastaba, dadka qaar ayaa rumeysan in hoggaanka Madasha isku raaci waayeen inay hal xisbi noqdaan, sidaas darteedna ay ayaga xitaa Coronavirus ka dhex heleen fursad ay sheekada hal xisbi ku damiyaan.

Hase yeeshee, haddii aysan Madasha qoraal soo saarin, oo sheekada ay si hoose u damiyaan, ma jiri lahayn cid wax iska weydiisa shirkooda, waayo waxaaba yaraa dadka xusuusta ama ka war-hayey waqtiga, waxayna la sugi karaan xaaladda ku habboon.

Qoraalka Madasha ayaa u muuqda mid lagu soo deg degay, oo aan siyaasad ahaan laga fiirsan, si la mid ah qoraalkii 4-tii April, oo dalka oo Coronavirus billow un ka yahay, dadkuna walaac qabaan ay lasoo boodeen doorasho, taasi oo dadka qaar u muujisay inay yihiin dad kursi un u cad yahay oo aan wax kale ka fikireyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here