Madaxda Kenya ugu sarreysa oo isku khilaafay kiiska Badda ee Soomaaliya

uhuru kenyatta2

Sida uu daabacay wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa uu haatan khilaaf xoogan oo ka dhashay kiiska Badda uu soo kala dhexgalay Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo wasiiraddiisa arrimaha dibadda Monica Juma.

The Star oo soo xiganaya mas’uul ka tirsan madaxtooyada dalkaasi ayaa sheegay in Monica lagu heysto sida ay u wajahday arrinta Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya iyo sida ay ula dhaqantay dowladda Itoobiya.

Wargeysku waxa uu sidoo kale warbixintan ku sheegay in wasiirada lagu eedeeyey in ay magacawday diblomaasiyiin aan xirfad laheyn.

Sidoo kale waxyaabaha ugu culus ee lagu heysto waxaa ka mid ah in siyaasadda arrimaha dibadda ay ku fashilantay, islamarkaana ay Kenya u nugushay in labo jeer ay fagaarayaal caalami ah ku guul dareysato sanadka soo socda.

Eedeynta koowaad waa arrinta Badda oo Monica Juma lagu eedeeyay in qaab aan waafaqsaneyn diblomaasiyadda ula dhaqantay Soomaaliya, islamarkaana ay gaartay go’aanno culus, iyada oo aan la tashi la sameyn Madaxtooyada Kenya.

Midda labaad ayaa ah kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo sanadka dambe kula tartameyso dowladda Jabuuti.

Ugu dambeyn Juma ayaa lagu dhaliilay in ay si shakhsi ah u weerartay dalka Itoobiya oo saaxib la ah Kenya.

Dhinaca kale wargeyska ayaa qoray in sidoo kale lagu dhagan yahay xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi, Macharia Kamau.

Xoghayaha ayaa isna lagu eedeeyay in uu dhawr jeer warbaahinta ka hadlay islamarkaana uu ku dhawaaqay go’aanno aysan dowladdu raali ka ahayn .

The Star wuuu sheegay in aysan arrintan faxad gelin Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo labadaan qof u arka kuwa ku ciyaaray doorkii diblomaasiyadeed ee Kenya.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo marar badan dowladda Kenya ay qaaday tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya oo uu haatan kala dhexeeyo muran dhinaca Badda ah, kaas oo ay dacwaddiisu ka furan tahay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here