Madaxda Somalia, Itoobiya iyo Eritreya oo dhisanaya urur goboleed cusub (War-Murtiyeed)

Farmaajo Afwerki iyo Abiy Ahmed3

Madaxda Somalia, Ethiopia, Eritrea ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen magaalada Asmara oo ay maanta ku kulmeen ku sheegay inay doonayaan in la aasaasao Iskaashiga Geeska Afrika oo ah urur cusub oo goboleed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay inay ku heshiiyeen inya kala tashtaan madaxda kale ee Geeska Afrika sidii looga miro-dhalin lahaa fikirkaasi.

Waxay sheegeen saddexda hoggaamiye inay isla qaateen qorshe waxqabad ee sannadkan 2020-ka iyo wixii ka dambeeyaba, kaasi oo diiradda saaraya laba hadaf oo kala ah xoojinta nabadda, degganaanshaha iyo amniga, iyo kobcinta dhaqalaha iyo horumarinta bulshada.

Dhinaca amniga waxay sheegeen sadedxda hoggaamiye inay ku heshiiyeen inay la dagaalamaan isla markaana baabi’iyaan halista uu gobolku wajahayo ee dhinaca argagisixsada, isku socodka hubka iyo maandooriyayaasha.

HOOS KA DAALACO WAR MURTIYEEDKA

War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Kulanka Madaxda dalalka Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaliya

Madaxda dalalka iyo dowladaha Ereteriya, Itoobiya, iyo Soomaaliya ayaa magaalada Asmara ku kulmay 27-ka Jannaayo, 2020.

Saddexda hoggaamiye waxa ay yeesheen wadahadallo toos ah oo qotodheer oo ku aaddan xaaladda ka taagan dalalkooda, iskaashiga saddex geesoodka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika.

Saddexda hoggaamiye waxa ay mar kale ku celiyeen sida ay uga go’an tahay Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee ay saxiixeen bishii Sebtembar ee sannadkii 2018, waxayna dib u eegeen waxyaabihii ka soo baxay dadaalkooda wadajirka ah ee ku aaddan hirgelintooda.

Saddexda hoggaamiye waxa ay meelmariyeen Qorshe Hawleed Wadajir ah oo loogu talagalay sannadka 2020 iyo wixii ka danbeeya kaasi oo xoogga lagu saarayo labada ujeeddo ee isku-dhafan ee adkaynta nabadgelyada, xasiloonida iyo amniga iyo sidoo kale sare u qaadidda horumarka dhaqaale iyo bulsho. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen inay dardargeliyaan dadaalkooda wadajirka ah si kor loogu qaado iskaashi heer gobol oo wax ku ool ah.

Dhanka ammaanka, saddexda hoggaamiye waxay isla qaabeeyeen qorshe sal-ballaaran oo lagula dagaallamayo, lagagana takhalusayo halista guud ee ay wada wajahayaan, oo ay ka mid yihiin argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha.

Dhanka horumarinta dhaqaale iyo bulsheed, waxay isku waafaqeen in ay mudnaanta siiyaan abaabulidda khayraadka bini-aadam iyo kan dabiiciga ah ee faraha badan; iyaga oo dhisaya, casriyeynaya, iskuna xiraya kaabayaasha dhaqaalaha iyo waaxaha adeegyada iyo waxsoosaarkaba. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga mahadinayaan, diyaarna ugu yihiin la shaqaynta saaxiibbadooda iyo daneeyayaashooda, iyadoo lagu salaynayo is-ixtiraamid iyo kala-faa’idaysi siman.

Saddexda hoggaamiye waxay isku raaceen in ay si dhow ula tashadaan walaalahooda iyo Madaxda Dawladaha kale si loo xaqiijiyo yididdiilada dadkoodu u qabaan helidda Iskaashi dhex mara Geeska Afrika oo wax ku ool ah.

Waxa laga soo saaray Asmara, Ereteriya, Jannaayo 27, 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here