Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Belanga Martinez.
Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa qaar ka mid ah safiirada dalalka Yurub ugaga wakiil ah Soomaaliya sida Safiirka Talyaaniga Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday dalalka Netherlands, Finland, Poland, Austria, IGAD iyo Denmark.
Kulanka ayaa waxaa lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay ku taageeraan Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi wuxuu u xaqiijiyay wafdiga inay xukuumadiisu ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinku marka ay axsaabta isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo.